Laba kooxood oo reer talyaani ah ayaa xalay nasiib u yeeshay iney soo gaaraan Semi Finalka Koobka Europa League, kadib markii ay ciyaareen lugtii labaaad.
Fiorentina iyo Napoli ayaana ah labada koox ee reer talyaani kuwaas oo istaagay wareega afar dhamaadka tartanka waxaana ku wehliya kooxaha Dnipro ee Ukraine iyo kooxda Sevilla oo ah kooxda difaacaneysa.
Xalayto waxaa dhacay kulamo xiiso leh oo ah lugtii labaad iyadoo todobaadkii hore la ciyaaray lugtii hore waxaana kasoo baxay natiijooyin xiiso leh.
Kooxaha Napoli iyo Wolfsburg ayaa ciyaar xiiso leh waxey ku dhexmartay dalka talyaaniga inkastoo labada kooxood kulankaan aysan kala awood badnaan hadana isku cel-celiska wadarta guud ee goolasha lagu kala badiyay ayaa ka dhigan in Napoli ay kusoo baxday 6-3.
Qeybta hore ciyaartii xalay dhexmartay labadan kooxood aya kusoo dhamaatay barbaro gool la’aan ah balse qeybtii labaad ee ciyaarta ayey Napoli hogaanka qabteen daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta waxaana gool ay ka heleen Jose Maria Callejon.
Napoli ayaa hogaanka dheereysatay daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta waxaana ay gool ka heleen xidiga khadka dhexe xulka Belgiumka Dries Martens.
Wolfsburg ayaa boorka iska jaftay iyadoo laba gool ku dhalisay mudo sadex daqiiqo ah waxeyna laba gool oo dhaqso ah ka heshay Timm Klose iyo Ivan Perisic daqiiqadihii 71 iyo 73.
Ciyaartaan ayaana kusoo dhamaatay barbaro 2-2 ah, balse Napoli oo kulankii ay jarmalka joogtay kusoo badisay 4-1 ayaa u gudubtay Semi Finalka Koobka.
Dhanka kale Fiorentina ayaa garoonkeeda Artemio Frenchi ku daldashay kooxda reer Ukraine ee Dynamo Kiev iyadoo kulanka uu ahaa mid xamaasad badan.
Jeremain Lens ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqadii 40-aad ee ciyaarta markii garsoore Jonas Eriksson uu u arkay inuu istuuray isagoo jaale horay u helay bilowgii ciyaarta taasoo keentay in casaan loo daba dhigo.
Nusqaanta Dynamo Kiev ayaana keentay in Fiorentina ay durba hogaanka qabtaan waxeyna gool ka heleen Mario Gomez daqiiqadii 43-aad ee ciyaarta.
Qeybtii hore ayaa lagu kala maray 1-0, oo ay hogaanka ku heyso kooxda Fiorentina, balse markii la isku soo laabtay ayey Fiorentina gool kale heshay waqtigii dhimashada waxaana shabaqa ku shubay Juan Vargas kaas oo ciyaarta kusoo idleeyay 2-0.
Natiijadaan ayaa noqotay mid isku cel-celis ahaan ay kusoo baxdo kooxda Fiorentina 3-1, madama kulankii hore ee ka dhacay Ukraine uu kusoo dhamaaday barbaro 1-1.
Sidoo kale kooxda difaacaneysa koobkaan ee Sevilla ayaa barbaro kusoo gashay cariga Ruushiya markii ay u martisay kooxda Zenit St Petersburg.
Weeraryahanka reer Colombia Carlos Bacca ayaa hogaanka u dhiibay Sevilla daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta markii uu dhameestiray rigoore lagu abaalmariyay.
Laba gool oo deg-deg ah ayey dhaliyeen Zenit qeybtii dambe ee ciyaarta waxeyna ka kala heleen Jose Solomon Rondon iyo Hulk.
Zenit oo ay niyada u dagan tahay kuna xisaabtameysa in ciyaarta lagu dari doono waqti dheeri ah waxaa niyada ka jabiyay Kevin Gameiro oo daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta ugu shubay goolka barbaraha.
Isku cel-celis wadar ah 3-4 ayeyna kooxda Sevilla ugu gudubtay wareega Semi Finalka koobka Europa League.
Ugu dambeyntiina kooxda reer Ukraine ee Dnipro ayaa iyana soo gudubtay waxeyna 1-0 ku qaarijiyeen Club Burgee iyagoo goolka ka helay Yevhen Shakhov daqiiqadii 82-aad.
Goolkaan ayaana ka dhigan wadarta kaliya ee ay ku kala badiyeen labadaan kooxood labada kulan madama kulankii hore uu kusoo dhamaaday barbaro.