Labada kooxood ee reer talyaani Napoli iyo Fiorentina ayaa kala badbaaday, waxaana suuragal ah iney labaduba seegaan imaanshaha finalka, sidoo kalana waa suuragal in midkood ama labadaba ay final gaaraan.
Kooxda Napoli waxey wajahi doontaa naadiga reer Ukraine ee Dnipro halka Fiorentina ay wajahi doonto kooxda difaacaneysa taranka ee Sevilla.
Kulamo dhib badan ayey soo mareen kooxahaan, Napoli ayaa tareenka tartanka ka tuurtay Wolfsburg, halka Fiorenitna ay iyana kasoo gudubtay Dynamo Kiev, Dnipro waxey dirqi ku dhaafeen Club Brugge halka Sevilla ay iyadana soo dhaaftay naadiga Zenit St Ptersburg ee dalka Ruushka.
Hadaba Isku Aadka Europa League:
Sevilla vs Fiorentina
Napoli vs Dnipro
Markii ugu dambeysay oo ay Fiorentina gaartay finalka waxey aheyd 25-sano ka hor.
Lugta hore waxaa lagu ciyaari doonaa 7-da May, halka lugta labaad la ciyaari doono 14-ka May, iyadoo finalka uu ka dhici doono garoonka National Stadium ee ku yaala magaalada Warsaw ee dalka Poland 27-ka May.