Feryahankii miisaanka culus ee aduunka ugu caansanaa Mike Tyson ayaa ka hadlay qaniinyadii uu Luis Suarez kula kacay daafaca xulka Italy Giorgio Chielini sidaa darteed Tyson oo hada ka hor isagana dhagta qaniinyo kaga goostay feeryahankii Evander Holyfield ayaa si toos ah falkii Suarez u difaacay wuxuuna yiri “Qaniinyadii Suarez waan dareemi karaa waxa ku qasbay mararka qaar dareenkaaga marka uu kaco waxaad noqonee qof aadan ahayn sidoo kalena waxay ahayd hal dhacdo mana ahan in sidaan oo kale loo buun buuniyo!”
Tyson oo lagu tilmaamo feeryahanka aduunka ugu wanaagsan xiligan casriga ah ayaa weli heesto iskoorka ah inuu ku guuleestay suunka miisaanka culus asigoo 20-jir ah balse Mike Tyson wuxuu sumcad daro la kulmay markii uu hada ka hor qaniinyo dhagta ka goostay asigoo riingaha xerada feerka ku jiro Evander Holyfield sidaa darteed Tyson aragtida ay aduunyada haatan ka qabto Luis Suaez mid ka duwan ayuu qaba wuxuuna yiri “maraka qaar wey dhacdaa in qof walbo oo cayaaraha ku lug leh inuu ishilmaamo sidaa darteed Suarez ma ahan dambiile ama qof xun ee waa cayaaryahan qalad ka dhacay.”
Kkkkkkkkkkkk waxaan maqli jiray nin geesi ahaa oo aad ufool xumaa ayaa maalin lahor keenay miraayad markaas ayuu yiri waa ixumaantaa lkn muraayad maxaay rag ka taqaanaa ))))Tyson hada waa caadi miyaa in la is qaniino ::::