Home » Maxaa Cusub » MID KA SAMAR: Premier League ama Champions League, Xaalada Cusub Ee Chelsea

MID KA SAMAR: Premier League ama Champions League, Xaalada Cusub Ee Chelsea


 

Chelsea squad

Tababare Jose Mourinho ayaa qaadi doona talaabo rasmi ah marka ay kooxdiisa axada booqato garoonka Anfield Road oo ay kulan nolol iyo geeri u ah Liverpool kula ciyaari doonaan Gobolka Mereyside.

Inkastoo saxaafada gudaha England ay aad u hadal heyso in Jose Mourinho uu ciyaartoyda da’yarta kala hortagi doono Liverpool si uu diirada u saaro kulanka lugta labaad ee Champions League ay Stamford Bridge kula ciyaari doonaan Atletico Madrid, balse xaalada ayaa noqon karta sida uu doono Jose.

“MID KA SAMAR”

Waa sheeko xiiso badan in Jose uu qaato go’aan uu Liverpool ugu sahlayo iney talaabadii ugu weyneyd u qaado hanashada horyaalka Ingiriiska, waxaase macquul laga dhigay sidoo kale inuu galo dagaal laba afleh oo uu kooxda ugu soo saarayo labada dhinac balse dadka u dhuun duleela arimaha kubada cagta ayaa aaminsan in ciyaartoy yarida heysata kooxda ay suuragal ka dhigi karto in wiilasha da’yarta kooxda ay helaan fursad ay ku wajahaan Liverpool.

Maqnaashaha Mikel & Lampard ee Champions League ayaa ka dhigan iney kulanka Liverpool ciyaaraan iyadoo loo maleynayo in xidigaha: Hazard, Schurrle, Eto’o, Luiz, Ramires, Willian, Ivanovic, Oscar, Cahill ay ka nasan doonaan daalkii kulankii Vincent Calderon iyo iney u nastaan kulanka Arbacada ee Stamford Bridge lugta labaad ee Champions League.

Goolhaye Peter Cech iyo Kabtan John Terry ayaa kulamadaan lagu tashan doonin madama ay dhaawac mudo dheer ah maqnaan doonaan.

Arinta la saadaaliyay ayaa tilmaameysa in Jose uu ka samrayo Premier League taas badalkeedana uu xooga saari doono Champions League.

Fikir Ahaan Midee kula saxan in laga samro, mise waxaad leedahay haloo wada dagaalamo, kuna xisaabtan tirada ciyaartoyda?

2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: MID KA SAMAR: Premier League ama Champions League, Xaalada Cusub Ee Chelsea

  1. SAS& Kabtan G Reply

    April 25, 2014 at 5:18 PM

    waxaan leeyahay premear league ha iska dhaafo sababatoo ah Liverpool iskama celin karo

  2. cahill Reply

    April 26, 2014 at 12:43 AM

    asc dhamaan bahda hiilkubad.com salaan ka bacdi labadaba wuu u tartami karaa jose mournho waay waa tababare khabir ku ah kulamada kala baxa ah waanad ogtihiin dhamaan dadka ciyaaraha daawada ee sida fiican u yaqaan liverpoolna isku jir ayaanu ku garaacaynaa chelsea ciyartoy yari ma hayso waa buuxa weliba labada kooba wuu u tartamaya mourinho waa tababare aanu ku kalsoonahay in badan waana loo fadhiya ciyaaraha hadhay ciyartoydu waa kuwii PSG iyo horyaalkaba isku ciyaaray maxa diidaaya inay imikana labada kulan ba ciyaaran waxan ay saxafadu ka shekaynayso waa hadal maskaxeedki mourino liverpool hazard iyo gary cahill waa diyar way idin galayaan
    viiiiiiiiiiva chelsea simply the best

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close