Home » Horyaalada » La liga » Messi Oo Masraxa Garoomada Wacdaro Kula Soo Laabtay Iyo Man City Oo Nusrdarsin Goolal ah Ku Badisay (+Sawiro Kulamadii Xalay La Cayaaray)

Messi Oo Masraxa Garoomada Wacdaro Kula Soo Laabtay Iyo Man City Oo Nusrdarsin Goolal ah Ku Badisay (+Sawiro Kulamadii Xalay La Cayaaray)


Messi

Lionel Messi ayaa sidii la wada filaay kulankiisii ugu horeeyay saftay mudo 2-bilood kadib, waadka iska taqaan Messi oo garoon soo galay inuusan gool la’aan baxeynin sidaa darteed xidigan ayaa labo gool ka dhaliyay naadiga Getafe kulan ka dhacay garoonka Camp Nou oo ay Barcelona guusha ku raacday 4-0, Cesc Fabregas ayaa qaybtii hore Barcelona ka caawiyay guushan madaama uu labo gool dhaliyay daqiiqadaha (9-aad iyo 63-aad asigoo rigoore dhaliyay) balse masraxa waxaa la wareegay Lionel Messi markii uu badal kusoo galay qaybtii dambe ee cayaarta wuxuuna mucjisadan gaaban shabaqa ku hubsaday laboo gool daqiiqadaha kala ah (90 iyo 92) sidoo kalena fariin culus ayuu u diray dhamaan kooxaha reer Yurub madaama uu muujiyay inuu caafimaad qabo welina yahay Messi-gii laga cabsan jiray.

Hat-trick hero: Negredo curls the ball home to complete his treble

Geeska kale Kooxda Man City ayaa 6-0 cagta ku marisay naadiga West Ham United lugta 1-aad ee semi finalaha tartanka Captal One Cup, kulankan damaashada goolasha waxaa ku caweeyay Alvaro Negredo oo sedexley shabaqa kooxda West Ham ku hubsaday daqiiqaaha kala ah (12, 27 iyo 49) sidoo kale Eden Dzeko ayaa isna labo gool dhaliyay halka Yaya Toure uu isna diiday inuu gool la’aan garoonka ka baxo guushan ayaa dhiga in Man City ay lugta gashay Finalaha tartanka Capital One inkastoo ay harsan tahay lugta 2-aad ee semi finalaha taasi oo lagu cayaari doono garoonka West Ham todobaadka dambe.

Zlatan Ibrahimovic Edinson Cavani Brest Paris SG Coupe de France 01082014

Dhankaas iyo France xalay Zlatan Ibrahimovic ayaa isna diiday inuu gool la’aan baxo kadib markii uu kooxdiisa PSG u dhaliyay Hat Trick ama sedexley kulankan Paris 5-2 naadiga STADE BRESTOIS waxayna cayaartan ahayd wareega 4-aad ee tartanka Copa de France sido kale Thiago Mota iyo Ezquelle Lavezzi ayaa goolasha 5-ah wax ka dhaliyeen waxayna Paris wareega 32-aad ee Copa de France ku aaday naadiga Monteplier.


Waxaa Aqrisay: (327)

FIKIRKAAGA KA DHIIBO WARBIXINTAAN