Home » Horyaalada » Bundesliga » Messi Iyo Cristiano Ronaldo Oo Hal Film Wada Jilaayo Daawo Video Xiiso Badan

Messi Iyo Cristiano Ronaldo Oo Hal Film Wada Jilaayo Daawo Video Xiiso Badan


Messi and CR7

Waxaa dhamaad ku dhow filmkii weynaa ee lagu xayeysiinaayay Samsung GALAXY11 waxaana mashruucan ku baxay malaayiin lacago ah, xayeysiintan waxaa markii ugu horeesay la isugu keena labada laacib ee aduunka ugu wanaagsan xiligan la joogo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waxayna ogolaadeen inay hal film wada jilaan, haatan filmkan ayaa dhamaad ku dhow waxaana laga soo bandhigay Video aad u xiiso badan kaasi oo muujinayo doorka ay labadan laacib ku leeyihiin filmkan waxayna ku jili doonaan inay dunida ka bad baadiyaan halis kusoo fool leh.

Filmkan lagu xayeysiinaayo GALAXY11 sidoo kale waxaa qayb ka ah qaar ka mid ah xidigaha aduunka ugu caansan sida Wayne Rooney, Radamel Falcao iyo kuwo kale waxaana kooxdan GAlAXY11 macalin u ah halyee Franz Beckenbauer oo hadafkiisa yahay inuu dunida ka bad baadiyo halis soo wajahday wuxuuna adeegsan doonaa Messi iyo Ronaldo oo hormuud ka ah Mission-ka aduunka lagu bad baadinaayo!

Messi ayaa muqaalka kowaad Mission-ka fulinaayo waxaana garab siinayaan xidigaha kala ah Mario Gotze iyo Stephan El Shaarawy waxayna si xeeladeesan ugu guuleesanayaan hadafkooda dabcan marwalbana waxaa tilmaamo siinayo macalin Beckenbauer.

Mission-ka labaad waxaa hogaaminaayo Cristiano Ronaldo oo isaga garab ka helaayo Falcao, Oscar iyo Rooney iyagana waxay sameenayaan farsamo iyo xeelad aad loola dhacay!

Sidoo kale filmkan muuqaalo kala duwan waxaa ku leh xidigo badan sida Victor Moses, London Donavon, goolhaye Iker Casillas iyo kuwo kale.

Dhamaadka muuqaalkan ayaa xiiso gaar ah leh waayo Mission-ka si wadajir ah ayay u fulinayaan Ronaldo iyo Messi waayo aalad qarxi rabto ayaa la rabaa in dunida laga bad baadiyo sidaa darteed goolhaye Casilas ayaa soo tuurayo aalada waxaa xabada saaranayo Rooney oo sii laadayo kadib Cristiano Ronaldo ayaa inta uu xabadka saarto lana sii ordo ayuu si awood ku dheehan aaladii qarxi rabtay u laadayo Messi ayaa markan la wareegayo aaladii qarxi rabtay wuxuuna qaab cajiib ah uga saarayaa dhismahii ay ku qarxi rabtay aaladan sidaas ayaana dunida oo idil lagu bad baadinaa.

Fadlan Video hoos ka daawo kadib adiga ayaaba faalo ka bixin doontid hadaba maxay kula tahay Filmkan yaa atoore ka ah Messi iyo Ronaldo sidoo kalena muuqaalkan kooban labadan xidig midkee siweyn kuu soo jiitay, faaladada waa adiga aqriste!!


5 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Messi Iyo Cristiano Ronaldo Oo Hal Film Wada Jilaayo Daawo Video Xiiso Badan

  1. Safidinho Safidiin Yare Reply

    May 19, 2014 at 4:48 PM

    Asc bahda Hiilkubad waxan idinka Codsanaya taarikhda Laacibka kooxda Arsenal Lourent Koscienly iyo mikeal arteta hadii aad ii heli kartan fadlan Waan idinka sugi mahadsanidin bahda hiilkubad

  2. holac samatar Reply

    May 19, 2014 at 8:20 PM

    ronoldo iyo messi siiba ronaldo

  3. Abdinasir Reply

    May 20, 2014 at 9:50 AM

    Miisiga ma ronaldo ayuu gaaraa war waalaga waya aragsanyahay

  4. abdilaahi Reply

    May 22, 2014 at 12:31 PM

    messi ayaa ronaldo kaga fiican xag aktarnimada filink balse ronaldo wax lama jooga sababtoo ah messiwuxuu qaraxii kabadbaadiyay dhisma dhan oo qarxi rabay

    • abdiweli Reply

      August 16, 2014 at 6:04 PM

      la isma garabdhigikaraba oo waxa qatarsan CR7

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close