sida aad nooga barateen markasta waxaan idiin soo gudbinaa codsiyada aan naga dalbateen, maalmihii ugu dambeeyey waxaana nagala soo codsaday xidigo badan oo adduunka magac kuleh, laakiin waxaan idin kugu soo qori doonaa sida loo kala horeeyey, maanta waxaa miiska noo saaran Gyan iyo hantida uu leeyahay oo ay naga codsadeen qaar ka mid ah akhristayaasheena:
Hantida guud ee uu leyahay : $20 Million
Mushaarka : 6.72 million GBP (2012)
Waqtiga Uu Dhashay : November 22, 1985
Wadanka / Meesha u Ku Dhashay : Accra, Ghana
Dhaqaalaha Meesha uu Kasoo galo : Football
Da’diisa : 28 Year Old
Kooxda /Qarankiisa: Al Ain FC , Ghana
Asamoah Gyan Taariikhdiisa oo Kooban
Asamoah Gyan 2003 wuxuu xirfadiisa shaqo kasoo bilaabay kooxda Liberty Professional, wuxuuna u dhaliyey 10 gool isagoo u saftay 16 kulan, waxayna u noqotay bilow fiican, Isla 2003 wuxuu kusoo biiray kooxda ka dhisan Wadanka Talyaaniga ee Uinese wuxuuna u cayaaray ilaa 2008, intaas oo sano wuxuu u saftay 39 Kulan isagoo shabaqa soo taabtay 11 Jeer.
Waxqabadkiisa Iyo Koobabka Uu Ku Guuleytay:
wuxuu Iftiimay markii uu ku biiray kooxda ka dhisan England ee Sunderland sanadkii 2010, 34 Kulan oo uu saftay ayuu dhaliyey 11 gool, Xulkiisa Qaranka Ghana wuxuu u saftay 79 kulan, wuxuuna dhaliyey 40 Gool, 2013 ayuu ku biiray Kooxda Al Ain halkaasna wuxuu ku dhaliyey Goolashii ugu badnaa Xirfadiisa ( 59 Gool ayuu Al Ain U Dhaliyey, 47 Kulan oo uu cayaaray.
Waa Gaariga Uu Leeyahay Xidigaan Magaciisana waa (Shelby GT)
Haddaba Intaas ayaan kusoo idleeneynaa warbixintii ku saabsaneyd xidigaan, waana noogu xigi doono Radamel Falcao oo uu naga dalbaday akhristaha ku xiga.
Haddaba ka faa;ideyso Jaaniskaan, Dalbana Xidigga Aad Rabto, Fadlan Inta aadan Dalban Furo Page-ka (Nolosha Xidigaha) Ka raadi xidigga aad rabto, Haddii ay ka weyso waad dalban kartaa (MAHADSANID)
aad baa idinku dhiiri galinayaa wax qabadka iyo xogta muhiimka ah ee ciyaarihanada ee aa u soo gudbinaysaan bahda ciyaaraha xiisaysa
intaa ka dib aniga codsigayga waa ciyaariyahanka xulka belgium iyo kooxda chelsea edin hazzard maadaama uu yahay ciyariyahanad haatan dunida u shidan fadlan xogtiisa noo soo gudbiya mahadsanidiin
Marka hore wanii mahad celinaaa bahda sporska eee hiilkubad waxaaaana codsan lahaaaa inaaaad nooosoo gud bisaaan ciyaari yahanka da’da yar ee kooxda liverpool ee raheem sterling mahad sana diiiiin
Marka hore wanii mahad celinaaa bahda sporska eee hiilkubad waxaaaana codsan lahaaaa inaaaad nooosoo gud bisaaan ciyaari yahanka da’da yar ee kooxda liverpool ee raheem sterling mahad sana diiiiin viva hiilkubad
Waxaan codsanayaa ciyaaryahnka qaranka nigeria peter odawenge taariikhdiisa nolashiisa gaarka ah waxan in ka filayaa inaad iga aqbasheen waad mahsantihiin waan inasalaamayaa bahda hiilkubad
fadlan bahda hiilkubad waxan ka codsanayaa nolosha gaarka ah ee xidiga aan jeclahay in uu dhawaan ku soo piiro kooxda arsenal ee layiraahdo ramy oo ay mulkiyadiisu leedahy kooxda Qpr
waxa ka cod sanaya xidiga da ,da yar ee uu ciyaara kooxa manchester united andre herrera