Home » Horyaalada » League 1 » Maxaad Kala Socotaa Waxqabka Asamoah Gyan Iyo Hantida Uu Leeyahay?

Maxaad Kala Socotaa Waxqabka Asamoah Gyan Iyo Hantida Uu Leeyahay?


 Gyan-home

sida aad nooga barateen markasta waxaan idiin soo gudbinaa codsiyada aan naga dalbateen, maalmihii ugu dambeeyey waxaana nagala soo codsaday xidigo badan oo adduunka magac kuleh, laakiin waxaan idin kugu soo qori doonaa sida loo kala horeeyey, maanta waxaa miiska noo saaran Gyan iyo hantida uu leeyahay oo ay naga codsadeen qaar ka mid ah akhristayaasheena:

Hantida guud ee uu leyahay : $20 Million

Mushaarka : 6.72 million GBP (2012)

Waqtiga Uu Dhashay : November 22, 1985

Wadanka / Meesha u Ku Dhashay : Accra, Ghana

Dhaqaalaha Meesha uu Kasoo galo : Football

Da’diisa : 28 Year Old

Kooxda /Qarankiisa: Al Ain FC , Ghana

Asamoah-Gyan-Rolls-Royce

Asamoah Gyan Taariikhdiisa oo Kooban

Asamoah Gyan 2003 wuxuu xirfadiisa shaqo kasoo bilaabay kooxda Liberty Professional, wuxuuna u dhaliyey 10 gool isagoo u saftay 16 kulan, waxayna u noqotay bilow fiican, Isla 2003 wuxuu kusoo biiray kooxda ka dhisan Wadanka Talyaaniga ee Uinese wuxuuna u cayaaray ilaa 2008, intaas oo sano wuxuu u saftay 39 Kulan isagoo shabaqa soo taabtay 11 Jeer.

Waxqabadkiisa Iyo Koobabka Uu Ku Guuleytay: 

  • UAE Pro-League – Laba jeer ayuu ku guuleystay  (Al Ain FC )
  • UAE Super Cup Sanadkii 2012
  • Abaal Marinta ay bixiso BBC-da ee Xidigga Ugu Fiican Africa ayuu ku guuleytay 2010
  • Wuxuu Kaalin Labaad ka galay CAF African Footballer of the Year Sanadkii 2010
  • Laba Jeer ayuu noqday Xidiga ugu fiican Sanadka Wadankiisa Ghana

wuxuu Iftiimay markii uu ku biiray kooxda ka dhisan England ee Sunderland sanadkii 2010, 34 Kulan oo uu  saftay ayuu dhaliyey 11 gool, Xulkiisa Qaranka Ghana wuxuu u saftay  79 kulan, wuxuuna dhaliyey 40 Gool, 2013 ayuu ku biiray Kooxda Al Ain halkaasna wuxuu ku dhaliyey Goolashii ugu badnaa Xirfadiisa ( 59 Gool ayuu Al Ain U Dhaliyey, 47 Kulan oo uu cayaaray.

Waa Gaariga Uu Leeyahay Xidigaan Magaciisana waa (Shelby GT)

Shelby GT Asamoah Gyan

Haddaba Intaas ayaan kusoo idleeneynaa warbixintii ku saabsaneyd xidigaan, waana noogu xigi doono Radamel Falcao oo uu naga dalbaday akhristaha ku xiga.

Haddaba ka faa;ideyso Jaaniskaan, Dalbana Xidigga Aad Rabto, Fadlan Inta aadan Dalban Furo Page-ka (Nolosha Xidigaha) Ka raadi xidigga aad rabto, Haddii ay ka weyso waad dalban kartaa (MAHADSANID)

 


Close