[England - Manchester] Maamulka kooxda Manchester United ayaa ku waramay iney xiriir la sameeyeen tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte kaas oo ay la doonayaa inuu galo booska tababarihii ay shaqada ka raacdeeyeen ee David Moyes.
Kooxda Shayaadiinta cas-cas lagu neynaaso ayaa baadi goob ugu jira badalka David Moyes inkastoo si kumeel gaar ah loogu dhiibay xilka kooxda Ryan Giggs hadana tiro badan oo tababarayaal ah ayaa la hadal hayaa iney Manchester United tababare u noqonayaan balse xiriirkii ugu dambeeyay ayey la sameeyeen Antonio Conte.
Tababaraha xulka Netherlands Louis Van Gaal ayaa ugu cad-cad iyadoo tababaryaal kale oo ay ka mid yihiin Jurgen Klopp, Carlo Ancelotti iyo Diego Simeone ay ku jiraan liiska.
Labada tababare ee Borrusia Dortmund iyo Real Madrid Jurgen Klopp iyo Carlo Ancelotti ayaa iska fogeeyay arinta la xiriirineysa Manchester United iyagoo sheegay iney ku faraxsan yihiin nolosha kooxahooda.
Adigu Yaad La Dooneysaa Xilka Tababaranimo ee kooxda Manchester United?
Yuusuf
April 25, 2014 at 5:46 PM
Waxaan aad u jeclaan lahaa in lo daayo ryan giggs tababare kale ma wadi karo