Wararka ka imaanayo dalka Jarmalka ayaa sheegayo in kooxda Man United ay ku guuleesatay saxiixa kubad qaabeeye Ilkay Gundogan oo ka tirsan naadiga Dortmund waxaana xidigan lagu wadaa marka uu xili cayaareedkan dhamaado inuu si rasmi ah Man United uga mid noqdo madaama labadan koox uu xiriir aad u wanaagsan u dhaxeeyo waxaa lagu wadaa in Man United ay Gundogan kusoo qaadato £25million sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraayo in Shinji Kagawa uu qayb ka noqon doono heshiiskan kuna laaban doono kooxda Dortmund madaama xidiga reer Japan ay u suura gali weesay inuu la qabsado Premiership-ka England, sidoo kale wargesyada dalka England ayaa dhankooda wararkan xaaqijiyeen waxaana faalo dheer ka qoray Daily Star oo soo xigtay masuul ka tirsan kooxda Man United kaasi oo wargeskan u sheegay in Man United ay loolanka Gundogan kaga guuleesatay qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan sida Real Madrid iyo Barcelona.
23-jirkan khadka dhexe ka cayaaro xili cayaareedkii hore wacdaro xoog leh ayuu ka dhigay qaarada Yurub madaama uu udub dhexaad u ahaa inay Dortmund soo gaartay kama dambeesta kooba horyaalada Yurub balse xili cayaareedkan dhaawac halis ah dhanka dhabarka kasoo gaaray ayaa u diiday inuu kooxdiisa u safto inkastoo uu haatan tababar fudud bilaabay laguna wado inuu garoomada dib ugu soo laabto, macalin David Moyes oo taageero weyn u ah Gundogan ayaa ku tilmaamay tilaabo horey ay u qaadeen saraakiisha Man United marba hadii ay kusoo guuleestaan soo xero galinta laacibkan ka tirsan xulka Jarmalka balse asal ahaan kasoo jeedo dalka Turkiga inkastoo wargesyada England iyo Germany isku raaceen in United ay ku guuleesatay saxiixa Gudogan hadana dhanka Dortmund weli warkan si rasmi ah uma xaqiijinin.
Waxaa Aqrisay: (478)