Kubad bur buriye William Carvalho oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsa naadiga Sporting Lisbon ayaa iska diiday dalab rasmi ah uu ka helay kooxda Chelsea wuxuuna ka dhawaajiyay in xagaagan uu Premier League usoo dhaqaaqi doono balse garoonka Old Trafford uu kasoo muuqan doono madaama uu xidigan doortay kooxda Man United.
Sida darteed hadalka kasoo yeeray wuxuu niyad jab ku riday masuuliyiintii kooxda Chelsea ka socday kuwaas oo dalka Portugal u tageen inay dhigooda Lisbon la xaajoodaan kuna wareejiyaan £37m oo ah qiimaha qandaraaska Carvalho lagu jebin karo.
Sidoo kale xidigan tayada wanaagsan waxaa ku raad joogaan kooxaha Man City iyo Real Madrid balse qalbigiisa wuxuu ku jeedaa kaliya ka cayaarista garoonka Old Trafford.
William Carvalho liiska Man United meel sare ayuu kaga jiraa madaama ay kooxdan 13-jeer oo kala duwan xili cayaareedkan ay u kuur gashay waxaana cayaarihiisa marar badan daawadeen saraakiil ka socdeen kooxda Man United.
Dhanka kale macalin David Moyes ayaa xidigan taageero u ah wuxuuna aaminsan yahay inuu xalin karo dhibaatada United dhanka khadka dhexe ka heesato.
Chelsea waa koox ku caan baxday inay ka qaraabato horyaalka dalka Portugal madaama sanadihii ugu dambeeyay ay lasoo saxiixatay xidigaha kala ah David Luiz, Ramires iyo Namenja Matic sidaa darteed waxay la noqotay fajac in William Carvalho ay ku hungoobaan waxaana laga warsugaa kooxda Man United hadii ay bixin karto lacagaha Lisbon xidigan dul dhigtay marka uu xili cayaareedkan dhamaado.
Waxaa Aqrisay: (659)