Wiilasha macalin Luis Van Gaal maalinta Jimcada ah waxay la cayaari doonaan kulankooda ugu horeeyo koobka aduunka xulka Spain balse xidigaha reer Holland wax walaac ah kama qabaan kulankan adag madaama ay xeebta Rio de Jenerio bashaal iyo haasaawe u aadeen waxaana goobta si gaar ah madaadaladii ugu weyneed kasoo bandhigay ruug cadaa Dirk Kuyt oo isku dayay inuu saaxiibkiis Arjen Robben biyo cabsiiyo sida muuqaalka ka muuqdo weliba Robben ayaa cabsi dareemay sidoo kalena caawinaad weydiistay saaxiibadiisa goobta ka dhawaa.
Dirk Kuyt ayaa ku caan baxay inuu marwalbo saaxiibadiisa ka naxiyo ama ka qoslisiiyo wuxuuna sheegay inuu markan Robben si wacan uga raayay madaama uu iska dhigay qof si dhab ah u doonayo inuu Robben biyaha ku harqisiiyo! kadib markii ay bada kasoo baxeen Robben ayaa sheegay in markii ugu horeesay uu dabinka Kuyt ku dhacay sidoo kalena uusan dhacdadan qosolka badan iloobi doonin waligiis.
Sadiiq yare
June 11, 2014 at 11:26 PM
Kkkkkkkkk nin culus dirk kuyt
zeki tulux
June 14, 2014 at 2:36 AM
kkkkkkk
yuusuf
June 16, 2014 at 10:39 AM
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk