Macalinka reer Spain Luis Enrique ee kooxda Barcelona xili cayaareedkan u qaaday sedex koob oo taariikhi ah ayaa ka dhawaajiyay suurta galnimada ku aadan inuu isaga hayaami doono xagaagan garoonka Camp Nou.
Enrique oo gacanta ku dhigay xili cayaareedkan La Liga, the Copa del Rey iyo Champions League ayaan faraxsaneyn wuxuuna doonayaa inuu Barcelona hogaankeeda iska dhiibo.
45-jirkan oo ka hadlaayo mustaqbalkiisa wuxuu yiri “Ma ahan run inaan Barcelona lasii joogi doono balse haatan waan faraxsanahay dib ayaan go’aan ka qaadan doonaa”
Macalinkan taariikhda Barcelona baal dahab ah ka galay xiriir wanaagsan lama lahan maamulka kooxdan hadii uu xili cayaareedkan koob la’aan asiibi laheyd waa hubaal in xilka laga xayuubin lahaa.
Macalin Enrique ayaa geeska kale u mahad celiyay dhamaan cayaartooyda Barcelona iyo dadaalka ay sameeyeen.
“Aadban ugu faraxsanahay shaqada dhibka badan oo ay xidigaha kooxeyda qabteen waxaana uga mahad Celina sida ay ugu daadleen xili cayaareedkan inaan koob walbo ku guuleesano”