Waxaa hubaal ah in xagaagan markale garoonka Anfield uu noqon doono goobta ay saxaafada aduunka bartilmaameed ka dhigan doonto madaama markale wararka Luis Suarez ay suuqa Yurub dib ugu soo laabteen waxaana weeraryahankan tayada wanaagsan ku raad joogto saxiixiisa naadiga Real Madrid oo dhawaan baahisay inay weeraryahankeeda Karem Benzema iska iibin doonto si ay Suarez ula soo saxiixato.
Hadaba sheekadan Liverpool siweyn ayay u saameesay waxayna wargeska dalka England qoreen in Reds ay haatan la xariirtay Suarez saaxiibkiis Edinson Cavani oo naadiga PSG ka tirsan waxayna Liverpool u aragtaa in weeraryahankan awooda badan inuu booska Suarez buuxin karo wararka ayaa intaas ku daraayo in Liverpool ay ugu tala gashay soo xero galinta Cavani £60m.
Gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez ayaa go’aan ku gaaray inuu xagaagan kooxdiisa kusoo biiriyo Luis Suarez oo 27-jir ah sidaa darteed macalinka Liverpool Brenden Rodgers ayaa walaac dareemayo wuxuu dagsaday qorshe uu Cavani xagaagan kula soo saxiixan doono madaama Real Madrid inta badan xidiga ay dalbato ay gacanta kusoo dhigto waxayna Liverpool ka warqabtaa qaabkii Grathe Bale xagaagii hore Tottenham looga qaatay.
Cavani xili cayaareedkan xaalkiisa ma fadhiyo wuxuuna ka gaabiyay doorkiisa madaama uu dhalin waayay goolashii laga filaayay sidoo kalena Zlatan Ibrahimovic ayaa xidigan hareeyay sidaa darteed PSG oo sanadkii hore £52m Napoli kaga soo iibsatay diyaar ayay u noqon doontaa £60m oo dalabka ah inay dhigeeda Liverpool ka aqbasho inta uu suuqa Yurub furan yahay.
c kariim Qalinle
May 15, 2014 at 8:37 AM
Cavani waa laacib lkn booska suarez mabuuxin karo lkn marba hadii real iibinayso benzema asaga ayaa inoo fiicnaan lahaa viva Liverpool