Home » Maxaa Cusub » Luis Suarez uu diyaar u ah inuu jebiyo rikoor u yaalo Cristiano Ronaldo Premiership-ka England!

Luis Suarez uu diyaar u ah inuu jebiyo rikoor u yaalo Cristiano Ronaldo Premiership-ka England!


Liverpool v Tottenham Hotspur - Premier League

Weeraryahanka naadiga Liverpool Luis Suarez oo xili cayaareedkan caadeestay inuu jebiyo rikooro badan oo kooxdiisa u yiilay iyo sidoo kale guud ahaan Premiership-ka England ayaa ku taamayo in kulanka axada ay Liverpool la cayaari doonto naadiga West Ham United uu jebiyo rikoor u yaalo Cristiano Ronaldo oo ah halyee Premiership-ka England laga tixgaliyo sidoo kalena Man United guulo taariikhi ah la qeebsaday, Suarez haatan wuxuu leeyahay 29-gool horyaalka England sidaa darteed hadii uu axada sedexley ama Hat Trick ka dhaliyo naadiga West Ham wuxuu xidigan gaari doonaa 32-gool asigoo dhaafi doono rkoor si wadajir ah ugu yaalo Alan Shearer iyo Cristiano Ronaldo oo 31-gool ku qaadeen Premiership-ka England gool dhalintiisa labo xili cayaareedkan oo kala duwa, ruug cadaa Sheared xili cayaareedkii 1995/96 ayuu kooxda Blackburn 31-gool u dhaliyay halka Ronaldo uu isna 2007/08 Man United 31-gool u dhaliyay.

Waxaa la sadaalinaa in Suarez uu goolal ka dhalin doono naadiga West Ham waayo xidigan wuxuu horey kooxdan ula cayaaray 270-daqiiqo wuxuu ka dhaliyay 2-gool sidoo kalena 2-kubadood ayuu ku dhiiban ayadoo midaas laga tix raacayo waxaa la rajeynaa in Suarez uu markale shabaqa West Ham goola dhex dhigi doono, hadaba Suerz hadii uu labo gool dhaliyo iskoorka Ronaldo iyo Shearer ayuu la ekaan doonaa hadii uu sedexley dhaliyo dabcan rikoor cusub ayuu dhigi doonaa. Waxaa naga xasuusin ah in halyee Andy Cole uu Premiership-ka England ku qaaday 34-gool 1995/94 balse xiligaas horyaalka England waxaa ku tartami jireen 24-naadi dabcan tan iyo markii 20-naadi laga dhigay Premiership-ka England goolasha ugu badan waxaa ku qaadeen Alan Shearer iyo Cristiano Ronaldo oo min 31-gool ku qaadeen.


Waxaa Aqrisay: (538)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>