Kooxda LL.PP. Jeenyo ayaa u dabaal dagtay hanashada koobka Janaraal Daa’uud ee sanadka 2014 markii ay 4-2 ku garaaceen kooxda Heegan oo ay wada joogeen Fianlka Tartankaan.
Ciyaar xiiso badneyd oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin badan oo dowladda soomaaliya ka tirsan ayaa ka dhacday garoonka Banaadir Stadium iyadoo masuuliyiintaas uu hogaaminayay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya C/Wali Shiekh Maxamed, Sidoo kale garoonka waxaa ku sugnaa masuuliyiinta xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya
Ciyaartii ka dhacday Maanta Garoonka Banaadir oo aheyd mid aad u xiiso badan ayey kooxda Jeenyo kor ugu qaaday koobka waxeyna goolasheeda ka heshay labada xidig ee dhanka weerarka Maxamuud C/nuur Meeman iyo C/qaadir Shariif Muqtaar Niinje halka Labada gool ee kooxda Heegan ay la timid ay ka heshay xidigaha khadka dhexe iyo weerarka uga ciyaara ee Cismaan Ayeerta iyo Jabriil Xasan Fariid.
Jeenyo ayaa 30-daqiiqo in ka badan ku ciyareysay 10-ciyaartoy markii casaan laga siiyay Xasan Cartan oo goolhayaha u ahaa.
DAAWO DABAAL DAGII JEENYO
Taageerayaasha LL PP Jeenyo
Ra’isul Wasaare: Cabdiwali
Xidigaha Kooxda LL.PP. Jeenyo oo Daaal Dagaya
Xidigaha Kooxda LL.PP. Jeenyo oo Daaal Dagaya
Xidigaha Kooxda LL.PP. Jeenyo oo Daaal Dagaya
Xidigaha Kooxda Heegan Oo Ka Xun Guuldarada Soo Gaartay
Xidigaha Kooxda Heegan Oo Ka Xun Guuldarada Soo Gaartay
Xoghayaha Guud Xiriirka: Cabdiqani Siciid Carab