Home » Africa » Horyaalka Somalia » LL.PP. Jeenyo Oo U Gudubtay Finalka Koobka Janaraal Daa’uud Iyagoo Garaacay Banaadir SC + Sawiro

LL.PP. Jeenyo Oo U Gudubtay Finalka Koobka Janaraal Daa’uud Iyagoo Garaacay Banaadir SC + Sawiro


SAM_6405

Kooxda LL.PP. Jeenyo ayaa u gudubtay Finalka tartanka Janaraal Daa’uud kadib markii ay shalay ciyaar xiiso badan ku garaaceen kooxda heysta horyaalnimada soomaaliya ee Banaadir Sports Club. Jeenyo ayaa ciyaarta kusoo idleysay 2-1 iyadoo goolasheeda ka heshay Meeman & Shaafaa halka Goolka kali ah ee ay la timid Banaadir Sports Club ka heshay kabtan Mustaf Faransa.

Natiijada Shalay ayaa ka dhigan in Jeenyo ay Finalka koobkaan kula biireyso kooxda Heegan oo Isniintii natiijo la mid ah tii shalay ku garaacday Elman.

Sidoo kale ciyaarta dhexmartay Jeenyo iyo Banaadir ee aheyd Semi Finalka Koobka Janaraal Daa’uud waxaa ku lifaaqnaa Koob ay soo agaasintay Wasaaradda Dhalinyaada iyo Sports-ka Soomaaliya iyadoo maamuus uga dhigeysay munaasabadda maalintii la aas-aasay SYL oo ku beegan 15-ka May oo ku aadan Maalinimada Khamiista ah.

Kooxda Jeenyo ayaana la gudoonsiiyay Koobkii ay soo maamuustay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sports-ka waxaana gudoonsiiyay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sportska. Waxa la sugaba waa Finalka Koobka Janaraal Daa’uud oo dhici doona 16-ka May taas oo ku beegan maalinta Jimcaha ee soo aadan waxaana iska hor imaan doona kooxaha LL.PP. Jeenyo oo reebtay Banaadir Sports Club iyo Heegan oo soo reebtay kooxda Elman.SAM_6404 SAM_6410 SAM_6411 SAM_6412 SAM_6413 SAM_6420 SAM_6421 SAM_6423 SAM_6427 SAM_6428 SAM_6431


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close