Kooxda Liverpool oo baadi goob weyn ugu jirrto xidig khadka dhexe ku wanaagsan ayaa haatan u weecatay kubad sameeyaha xulka Italy iyo kooxda SS Lazio Antonio Candreva, xidigan sida weyn uga dhex muuqdo koobka aduunka sidoo kalena soo bandhigay qaab cayaareed aad u wanaagsan kulankii Italy ay 2-1 ku suul daartay xulka England ayaa diyaar u ah inuu xagaagan isbadal sameeyo madaama Candreva uusan ku qanacsaneyn kooxda Lazio wuxuuna doonayaa inuu ku biiro naadi koobka horyaalada Yurub cayaari doonto sidaa darteed Liverpool ayaa sheegtay inay xidigan tayada wanaagsan kula soo saxiixan doonto £20m.
27-jirkan sidoo kale waxaa lala xariirinaa kooxaha PSG, Man United, Juventus iyo AC Milan balse Liverpool ayaa isku kalsoon inay saxiixiisa ku guuleesan karto madaama ay boos joogto ah u balan qaaday iyo idoo kale mushaar aad u sareeyo waxaa intaas usii dheer in Liverpool qiimahii ugu sareeyay ay Lazio dhagteeda ku dhibcisay, Candreva ayaa ka mid ah xidigaha ugu wanaagsna Serie A-da wuxuuna macalinka xulka Italy ku qasbay laacibkan in boos joogto ah xulkan laga siiyo sidaa darteed ka filo Candreva inuu xulkiisa u safto inta uu koobka aduunka socdo.
Balse Liverpool ayaa sheegtay in xidigan saxiixiisa aysan si dhaqsi ah ku dhameestiri karin madaama uu haatan ku mashquulsan yahay tartanka koobka aduunka ee haatan si habsami ku dheehan uga socdo dalka Brazil.
c kariim Qalinle
June 17, 2014 at 8:56 AM
Candreva saa umaanan fiirsan kubadisa lkn Xidig kastaa oo kusoo Kordha anfeil good-lucky ayaanu leenahay
Ywnwa