Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Shaaca Ka Qaaday Qiimaha Ay Ku Dooneyso Weeraryahanka QPR Charlie Austin

Liverpool Oo Shaaca Ka Qaaday Qiimaha Ay Ku Dooneyso Weeraryahanka QPR Charlie Austin


Austin

Kooxda QPR waxay dib ugu laabatay horyaalka heerka labaad ee dalka England sidaa darteed weeraryahaneeda awooda badan Charlie Austin wuxuu doonayaa inuu Premiership-ka baaqi kusii ahaado.

Xidigan dhalintiisa wanaagsan tahay kooxo badan ayaa saxiixiisa ku raad joogaan sida darteed Liverpool ayaa dooneyso inay xili hore laacibkan gacanta kusoo dhigto.

Hadaba wargeska The Mirror ayaa sheegay in Liverpool ay soo xero galinta Charlie Austin ugu tala gashay  £20m waana qiimo lacageed oo aysan kooxda QPR iska diidi karin.

25-jirkan waxaa u suura gashay inuu 17-gool xili cayaareedkan EPL ka dhaliyo waxaana hubaal ah inuu wax badan ka caawin karo Liverpool oo dhibaato xoog leh dhanka weerarka ka heesato.

Waxaa xusid mudan in sanadii 2013 ay kooxda QPR £4m kaga soo iibsatay Austin naadiga Burnley haatana waxaa diyaar loola yahay £20m taasi oo ka dhigan inay £16m iibkiisa ka faa’iidi doonaan.

Macalin Brendan Rodgers ayaa qorshaha ku darsaday inuu Austin xagaagan gacanta kusoo dhigo madaama Liverpool dhaawac kaga maqnaan doono Daniel Sturridge oo xaalkiisa laga deyrinaayo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>