Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Safarkii Ireland Ay Ku Tagtay Guul Kala Soo Laabatay

Liverpool Oo Safarkii Ireland Ay Ku Tagtay Guul Kala Soo Laabatay


LFC

Naadiga Liverpool ayaa 4-0 ugu awood sheegatay kooxda Shamrock Rovers cayaar saaxiibtinimo oo ka dhacday garoonka Aviva ee magaalada Dublin, kulankan xiisaha badan taageerayaal farabadan ayaa usoo daawasho tageen wuxuuna tababare Brenden Rodgers ka farxiyay taageerayaasha reer Ireland madaama xidigahiisa dhalinta yar ay soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan wuxuuna macalinkan kulankan xiisaha badan kusoo bilaabay xidigo dhalin yar inkastoo qaar ka mid ah ruug cadaayasha Reds ay cayaartan ka qayb qaateen waxaana kulankan gool ku aah furay Iago Aspas daqiiqadii 8-aad, wiilka amaahda ka soo laabtay Fabio Borini ayaa cayaarta 2-0 ka dhigay markii la isku soo laabtay qaybtii dambe oo cayaarta socoto 47-daqiiqo.

View image on Twitter

Macalin Rodgers wiilasha dhalinta yar ee uu kulankan ku aaminay dadaalkooda way kasoo baxeen waxaana cayaarta 3-0 ka dhigay Martin Kelly daqiiqadii 76-aad, ugu dambeyntii xidiga dhalinta yar ack Dunn, oo badal kusoo galay ayaa cayaarta 4-0 ka dhigay daqiiqadii 84-aad, wuxuuna kulankan xiisaha badan kusoo idlaaday 4-0, kadb markii kulankan uu soo idlaaday taageerayaasha reer Ireland ayaa u mahad celiyeen xidigaha Liverpool iyo macalinkooda Rodgers oo safar dag dag ah kusoo aadeen Ireland ayagoo daalan madaama bilawgii todobaadkan uu Premiership-ka soo idlaada waxayna kooxda Liverpool haatan gali doontaa fasax dheer qaar ka mid ah xidigaha kooxdan koobka aduunka ayay ka qayb qaadan doonaan halka qaar kalena ay iska dalxiisi doonaan sida Agger, Coutinho, Skrtel, Lucas, Allen iyo kuwo kale oo aan koobka aduunka cayaari doonin.

View image on Twitter

Xaqiiqada kulankan iyo Line Up-ka ay Livpool Kusoo Gashay:

Liverpool: Jones, McLaughlin, Kelly, Paez, Smith, Lucas, Allen, Coady, Ibe, Borini, Aspas.

Badalka u fadhiyay Liverpool: Ward, Dunn, Williams, Peterson, Lussey, Randall, Teixeira, Trickett-Smith, Brannagan.

Xidigaha Liverpool lasoo safreen balse aanan cayaarin kulankan: Daniel Agger, Philippe Coutinho iyo Martin Skrtel


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Liverpool Oo Safarkii Ireland Ay Ku Tagtay Guul Kala Soo Laabatay

  1. Hashi tosane Reply

    May 15, 2014 at 9:24 AM

    Wa wax fican in lasosaro da’yarta mustaqbalka H.kubd adinkuna sigar ah ayad ugu mahadsantihin so tebintan qayaha leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close