Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Qark U Saaran Inay Heshiis La Gaarto Rickie Lambert Iyo Lallana Oo Kusoo Xigi Doono

Liverpool Oo Qark U Saaran Inay Heshiis La Gaarto Rickie Lambert Iyo Lallana Oo Kusoo Xigi Doono


Lambert and Lallana

Naadiga Liverpool ayaa si lama filaan ah ugu guuleesatay soo xero galinta waaya araga kooxda Southampton Rickie Lambert waxayna Reds si rasmi ah u sheegtay inuu xidigan garoonka Anfield kusoo wajahan sidoo kalena tijaabo caafimaad mari doono si loo xaqiijiyo ka mid ahaan shihiisa Liverpool, warrarka ayaa intaas ku daraayo in 32-jirkan ay Liverpool kula heshiisay kooxda Southampton inay kaga soo iibsato, wargeska Daily Mail ayaa si rasmi ah u sheegay in Lambert uu maalinta sabtiga ah mari doono tijaabada caafimaad.

Weeraryahankan xulka England ka tirsan ayaa kusoo bar  baaray xarunta kooxda Liverpool balse marnaba uma suura galin inuu Anfield kasoo muuqdo balse haatan asigoo 32-jir ah ayay riyadiisa u rumoobi doontaa xili cayaareedka dambe, macalin Rodgers ayaa damacsa inuu kooxdiisa dib u dhis xoogan ku sameeyo sidoo kalena aysan ku dhicin cayaartooy yari xili cayaareedka dambe.

Geeska kale warar la isku haleen karo ayaa sheegay in Liverpool iyo Southampton ay ku heshiin rabaan arinka Adam Lallana waxayna Reds ogolaatay inay bixiso £30m sidaa darteed maal maha nagu soo fool leh ayuu 25-jirkan si rasmi ah u dhameestiri doonaa ka min noqoshada Liverpool waxayna Reds ka cabsatay ina Tottenham ka dulqaado sidaas ayay lacagta sare ugu qaaday, ugu dambeyntii Liverpool oo damacsan inay Southampton xidigo badan kasoo qaadato ayaa ku rajo weyn inay daafaca reer Croatia Dejan Lovren isna Southampton kasoo xado!

Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Liverpool Oo Qark U Saaran Inay Heshiis La Gaarto Rickie Lambert Iyo Lallana Oo Kusoo Xigi Doono

  1. XUDEYFa SYL Reply

    May 30, 2014 at 8:44 AM

    Good news riki inksto u d, yahy hdna waa bedel mcqul ah oo la isku heln kro isaga iyo fabio borini vivaa famly of YNWA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close