Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Qal Qaalo Ugu Jirto 5-weeraryahan Mid Kood Inay Lasoo Saxiixato Si Uu Booska Suarez u Buuxiyo.

Liverpool Oo Qal Qaalo Ugu Jirto 5-weeraryahan Mid Kood Inay Lasoo Saxiixato Si Uu Booska Suarez u Buuxiyo.


Real Madrid's Benzema celebrates after scoring during their Spanish first division match in Madrid

Madaama Liverpool dareentay inaysan ceshan karin Luis Suarez sidoo kalena wararka ka imaanayo dalka Brazil ay sheegayaan in xidigan uu kooxdiisa ka dalban doono inay iska fasaxdo sidoo kalena laga jawaabo dalabyada ay usoo direen kooxaha Real Madrid iyo Barcelona sidaa darteed macalin Brenden Rodgers oo ah tababare taxadir badan ayaa saraakiisha Liverpool u gubdiyay warqad ay ku qoran yihiin 5-weeraryahan oo uu aaminsan yahay inay booska Suarez buuxin karaan, hadaba hoos kaga bogo xidigaha booska Suarez buuxin karaan:

Karim Benzema (Real Madrid): waa 26-jir xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday 24-gool ayuu Madrid u dhaliyay.

Karim-Benzema

Mario Mandzukic (Bayern Munich): 28-jirkan wuxuu Bayern u dhaliyay 48-gool asigoo u saftay 88-kulan wuxuuna kusoo biiray sanadii 2012.

Mario-Mandzukic-Bayern-Munich-Champions-Leagu_2884486

Edinson Cavani (PSG): 27-jirkan wuxuu Paris u dhaliyay xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday 25-gool.

images

Alexis Sanchez (Barcelona): xidiga reer Chile 19-gool ayuu u dhaliyay Barcelona asigoo u saftay 27-kulan La Ligaha oo qura.

alexis_sanchez

Romelu Lukaku (Chelsea): 21-jirkan Everton wacdaro ka dhigay xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday haatana Belgium ayuu koobka aduunka kala qayb qaadanayaa.

download (1)

Close