Madaama Liverpool dareentay inaysan ceshan karin Luis Suarez sidoo kalena wararka ka imaanayo dalka Brazil ay sheegayaan in xidigan uu kooxdiisa ka dalban doono inay iska fasaxdo sidoo kalena laga jawaabo dalabyada ay usoo direen kooxaha Real Madrid iyo Barcelona sidaa darteed macalin Brenden Rodgers oo ah tababare taxadir badan ayaa saraakiisha Liverpool u gubdiyay warqad ay ku qoran yihiin 5-weeraryahan oo uu aaminsan yahay inay booska Suarez buuxin karaan, hadaba hoos kaga bogo xidigaha booska Suarez buuxin karaan:
Karim Benzema (Real Madrid): waa 26-jir xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday 24-gool ayuu Madrid u dhaliyay.
Mario Mandzukic (Bayern Munich): 28-jirkan wuxuu Bayern u dhaliyay 48-gool asigoo u saftay 88-kulan wuxuuna kusoo biiray sanadii 2012.
Edinson Cavani (PSG): 27-jirkan wuxuu Paris u dhaliyay xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday 25-gool.
Alexis Sanchez (Barcelona): xidiga reer Chile 19-gool ayuu u dhaliyay Barcelona asigoo u saftay 27-kulan La Ligaha oo qura.
Romelu Lukaku (Chelsea): 21-jirkan Everton wacdaro ka dhigay xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday haatana Belgium ayuu koobka aduunka kala qayb qaadanayaa.
Xaqiqdi super suarez wu katagayaa livrpol taas shaki igama jiro xly ayan xaqiqsady marki aan aqriyey warbxn isaga ku sabsan o u dalban dono bixitaan@ xdga aan jclan laha boskisa in kgu buxiyo waxaa kmid ah alex sanches krim benzema and super mario inta kle kuma habona kubad reds koley good lucky super suarez we are livrpol and YNWA