Home » Maxaa Cusub » Liverpool Oo Ku Dhaw Iney Soo Afjarto Saxiixeedii Afaraad Iyado Weeraryahan Ka Dooneysa Benfica

Liverpool Oo Ku Dhaw Iney Soo Afjarto Saxiixeedii Afaraad Iyado Weeraryahan Ka Dooneysa Benfica


Liverpool close in on fourth signing of summer with £25m move for Benfica winger Lazer Markovic

Liverpool ayaa ku jirta hub aruursi inkastoo ay qarka u saaran tahay iney weyso xirfadle heer sare ah oo fadeexad darteed kaga tagi doona kooxda balse haatan waxey qarka u saaran tahay iney Benfica kala soo wareegto da’yar dhanka weerarka kaga ciyaara kaas oo wacdaro dhigay xiligii dhamaaday.

Lazar Markovic oo 20-jir ah ayey dooneysaa Reds iney ku buuxiso booska Suarez madama uu Alexis Sanchez iska diiday inuu qeyb ka noqdo heshiiska Suarez.

Tababaraha Liverpool Branden Rodgers ayaa farta ka saari doona maamulka Benfica 25 Malyan Oo Pound si ay u iloobaan xidigaan reer Serbia.

Lazar Markovic ayaa Liverpool kula biiri doona Adam Lallana, Rickie Lambert iyo Emre Can kuwaas oo ah sadexda xidig ee kaga horeeyay Anfield xili ciyaareedkaan waxeyna ku fadhiyaan 60 Malyan.

Balse Liverpool ayaa faa’iido sare ka sugi doonta madama ay ugu badnaan 70 Malyan Oo Pound ka heli doonto saxiixa Luis Suarez oo qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Barcelona ee dalka Spain.

Sidoo kale Liverpool waxey fursad u heleysaa saxiixa Dejan Lovren oo ah daafac ka tirsan kooxda Southampton kaas oo diyaar u ah inuu Liverpool kula biiro Lallana iyo Lambert.

Website-ka laga leeyahay dalka Croatia Sportske Novosti ayaa shaaca ka qaaday in Dejan uu doorbidayo ku biiritaanka kooxda Liverpool halkii uu sii joogi lahaa kooxda Southampton.

“Liverpool waa kooxda ugu weyn aduunka, kaliya Real Madrid ayaa ka taageero badan caalamka, markii iigu dambeysay oo aan Anfield ku dheelo waxaan maqlayay jabaq dhaheysa “You Will Never Work Alone” Waxaana jeclahay inaan mar walba dhageysto” ayuu yiri daafaca reer Croatia Dejan Lovren oo soo bandhigay jaceylka uu u qabo kooxda Liverpool ee ka dhisan gobolka Mereyside.

 

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close