Home » Africa » Horyaalka Somalia » Banaadir Sports Club Oo Ku Raaxeysaneysa Savaana Lana Wareegtay Hogaanka Horyaalka

Banaadir Sports Club Oo Ku Raaxeysaneysa Savaana Lana Wareegtay Hogaanka Horyaalka


DSC_0520

Banaadir Sports Club ayaa hogaanka horyaalka si rasmi ah ula wareegtay kadib guul ay kusoo xirtay qeybta koowaad ee horyaalka Nationlink Championship waxaana ay 4-1 ku garaaceen kooxda liidata ee Savaana.

Banaadir ayaa hogaanka ciyaarta qabatay waxaana ay gool ka heshay daaficii hore xulka Soomaaliya Mustaf Cumar Faransa kaas oo gool madax ahaa saxiixay.

Goolhaye Gaatamow oo ah goolhaye da’ ah ayaa galabta kusoo bilawday dhanka Banaadir madama uusan ka qeyb qaadan kulamadii hore waana kulankiisii ugu horeeyay.

Sidoo kale Kabtanka Kooxda Dadir Amiin Cali ayaa kursiga keydka kasoo muuqday galabta inkastoo badal lagu keenay qeybtii dambe ee ciyaarta.

Banaadir Sports Club ayaa hogaanka sii dheereysatay waxaana gool labaad u ansixiyay Marcel Samsun Otungi oo ah weeraryahanka reer Kenya ah oo wax ka hogaaminaya guud ahaan gooldhalinta horyaalka.

Sidoo kale Marcel Samsun ayaa mar labaad shabaqa soo taabtay waana goolkiisii 8-aad ee xili ciyaareedkaan isagoo noqonayana hogaamiyaha gooldhalinta horyaalka.

Banaadir ayaa kusii digatay Savaana markii ay heshay goolkii 4-aad ee ciyaarta waxaana u saxiixay wiil markiisii ugu horeysay u ciyaaray isla markaana xiran numberka 28-aad.

Savaana ayaa heshay goolka calanka waxaana gool u saxiixay numberka 28-aad ee ciyaarta balse kubada oo aheyd mid aad u qafiif ah waxey ka fakatay goolhaye Gaatamow oo islahaa si tartiib ah ugu raaxeyso balse wuu ka farabaxsaday.

Mid ka mid ah xidigaha Savaana ayaa kaarka as loo taagay markii uu qalad bareer ah ka galay Muufo oo ah xidig ka tirsan Banaadir Sports Club.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Banaadir ay guul kusoo xirtay wareega koowaad ee horyaalka waana guushii ugu weyned ee horyaalka laga gaaro wareegiisa hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close