Kooxda Kubada Cagta Elman ayaa guul muhiim ah a gaartay dhigeeda Jeenyo kulankii ugu adkaa horyaalka Soomaaliya kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Banaadir Stadium.
Mohamed Abdinoor Shaarkey & Sacad ayaana kala diray kooxda Jeenyo oo dardar ku bilowday bilowgii ciyaarta waxaana natiijada ay ka dhigeen 2-0.
Labada kooxood ayaa ku dhameystay min 10-ciyaariyahan kadib markii labada kooxood ay kaararka cas ka qaateen Daa’uud C/llaahi Tubaal oo jeenyo ah iyo Yacquub oo Elman Ah.
Natiijadaan ayaana ka dhigan in Kooxda Elman ay heshay sadexdii dhibic ee ugu horeysay madama kulankii koowaad ay guuldaro kala kulantay Banaadir Sporting Club.