Kooxda Banaadir Sports Club ayaa galabta sameysay layaab kadib markii ay guuldaro 4-2 ah dhabarka ugu rideen kooxda Dekedda kulan xiiso lahaa oo noqday kii ugu xamaasadda badnaa Horyaalka.
Dekedda ayaa hogaanka ciyaarta u qabatay qeybtii hore ciyaarta markii C/raxmaan Dheere xidiga la yiraahdo ee ka tirsan Banaadir SC uu iska dhaliyay gool kama ah.
Abooki oo weeraka kaga ciyaara kooxda Dekedda ayaa gool caaqibo lahaa isla qeybtii hore faraqa ugu riday kooxda Banaadir oo garan la’ meesha ay wax ka heystaan.
Ciyaarta oo gabagaba ku dhaw qeybta hore ayaa qalad laga galay Caadil Nuur Cali waxaa Banaadir Sports Çlub lagu abaalmariyay gool kulaad ama rigoore uu saxiixay Kabtankooda Daadir Amiin Cali.
2-1 ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ciyaarta.
Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo ciyaarta ay ka dhex muuqdeen afar wiil oo ajaanib ah oo u kala dhashay Kenya iyo Nigeria kuwaas oo qeybtii dambe sameeyay maamul wanaagsan.
Mustaf Maxwell Otungi oo ah xidiga Nigerian-ka ah ee ah ee ay dhawaan lasoo wareegtay Banaadir ayaa kubad qurux badan dhexda uga dhiibay Marcel Samsun Otungi oo labaxay magaca MAXAMED kadib islaanimadiisii ayaana shabaqa laba jeer soo taabtay.
Sidoo kale C/risaaq Cali Maxamed ayaa isna dhaliyay goolka sadexaad ee Banaadir.
Natiijada ayaana ka dhigan in Kooxda Banaadir Sports Club ay ku adkaatay 4-2 taasoo ka dhigan iney soo tiigsatay kaalinta 2-aad iyadoo leh 7-dhibcood, waxeyna 2-dhibcood ka hooseysaa Kooxda Heegan oo taariikh ku dhigtay Shalayto Savaana taasoo leh 9-dhibcood.