Home » Maxaa Cusub » Lionel Messi Oo Taalo Loo Dhisay Ka Hor Koobka Aduunka Xili Maradona & Batistuta Iyagana Loo Sameeyay

Lionel Messi Oo Taalo Loo Dhisay Ka Hor Koobka Aduunka Xili Maradona & Batistuta Iyagana Loo Sameeyay


messi taalo

Kabtanka xulka Argentina Lionel Messi ayaa loo weyneyeeyay sida halyeeygii Napoli Diego Armanado Maradona kaas oo isagoo kabtan ah u qaaday xulka Argentina koobkii Aduunyada ee 1986-dii.

Sidoo kale taalo kale loo dhisay isna halyeeygii hore kooxaha Roma & Fiorentina Gabriel Omer Batistuta (Bati-gool) kaas oo isna ah xidig kaalin muhiim ah kazoo qaatay in Argentina ay noqoto xulalka aadka looga cabsado marka ay timaado iney yimaadaan tartamada caalamig ah.

Kadib halyeeyadaas haatan Mucjisada Barcelona Lionel Messi aya aisna dabaal dagiisa gacmaha kor u taaga ah ayaa looga sameeyay taalo si loo weyneeyo isla markaana uu xulkiisa u gaarsiiyo meel wanaagsan.

“Waan ku faraxsanahay, waligey kuma fakarin inaan helayo weyneyn sidaan oo kale a, farxad ayey I siineysaa, aad baan idinkugu mahad naqayaa” ayuu Lionel messi yiri. Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili koobka Aduunka ay ka hartay wax ka yar Shan Maalmood.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Lionel Messi Oo Taalo Loo Dhisay Ka Hor Koobka Aduunka Xili Maradona & Batistuta Iyagana Loo Sameeyay

  1. kulmiye Reply

    June 8, 2014 at 1:11 PM

    taalo asagoo mantagayo inay sameeyaan ayay ahayd lol

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close