Home » Horyaalada » La liga » Lionel Messi Oo La Hadal Haayo Mushaar Kordhin Dheeraad Ah Ka Heli Doono Kooxdiisa Barcelona

Lionel Messi Oo La Hadal Haayo Mushaar Kordhin Dheeraad Ah Ka Heli Doono Kooxdiisa Barcelona


Messi

Weeraryahanka reer Argentina Lionel Messi oo horey u sheegay inuu mustaqbalkiisa cayaareed u dhameesan doono garoonka Camp Nou ayaa lagu wadaa in loo kordhiyo mushaarka uu haatan kooxda Barcelona ka qaato, Messi qandaraaska uu Barcelona kula joogo wuxuu ku egyahay sanada 2018 sidoo kalena haatan sanad walbo wuxuu kooxdiisa ka qaataa €15m sidoo kalena waa xidiga labaad ee caalamka ugu mushaarka badan kaliya Cristiano Ronaldo ayaa ka lacag badan laakiin maamulka Barcelona ayaa ka walaacsan in kooxaha Monaco iyo PSG ay xidigan lacago badan usoo bandhigaan sidaa darteed Barcelona iyada ayaaba diyaar ula ah Messi lacag walbo oo uu niyada ku haayo.

Wararka ayaa intaas ku daraayo in dhawaan Messi loo ogolaan doono inuu sanad walbo ku shaqeeyo €20m tani ayaa ka dhigan inuu kaliya 1-milyan ka hooseyn doono Cristiano Ronaldo oo la aaminsan yahay inuu Real Madrid ka qaato €21m, balse wargeska Mundo Deportivo oo ku hadlo afka Barcelona ayaa sheegay in Messi uu noqon doono cayaaryahanka aduunka ugu mushaarka badan madaama wargeskan uu sheegay in Ronaldo uu €19m Real Madrid ka qaato, si kastabo oo looga hadlo lacagaha labadan xidig qaatan hadana aqbaartan mushaarka loogu kordhinaayo ayaa kusoo beegmatay xili Barcelona sabtiga nagu soo fool leh Real Madrid garoonkeeda ku martigalin doonto.


Waxaa Aqrisay: (9548)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>