Le Decima waa ereyga kaliya oo ay afka ku hayaan min maamul ilaa taageero sidaa darteed Real Madrid waxay caawo dooneysaa inay ku guuleesato markeedii 10-aad koobka horyaalada Yurub hadaba waxa la helay xog ku aadan qaabka uu macalin Carlo Ancelotti caawo garoonka kusoo gali doonon madaama ay xidigo muhiim ah Real Madrid dhaawacyo ka qabaan waxaa siweyn loo odorosay isbadalka ku imaan karo Line Up-ka kooxdan faca weyn hadaba hoos kaga bogo xidigaha la filan karo inay Madrid caawo Finalaha Champion-ka kusoo bilaawdo:
Iker Casillas isaga inuu goosha qaban doono muran kama taagno.
Sergio Ramos, Dani Carvajal iyo Fabio Coentrao waa la hubaa in sedex daafac caawo lagu soo bilaabi doono balse Pepe ayaa shaki weyn ku jiraa inuu safan karo hadii caafimaad ahaan uu awoodi waayo inuu kulankan adag ka qayb qaato waxaa booskiisa u taagan oo buuxin doonoRaphael Varen.
Maqnaanshaha Xabi Alonso ayaa ka dhigan in Madrid ay caawo halis weyn khadka dhexe kasoo wajihi doonto wuxuuna tababare Ancelotti sheegay in booskiisa uu caawo buuxin doono Asier Illarramendi, sidaa darteed Sami Khedira kursiga keydka ayuu fariisan doonaa, Luka Modric isaga ayaa khadka dhexe agaasimi doono wuxuuna garab ka heli doonaa Angel Di Maria.
Madaama uu Cristiano Ronaldo tababar dhameestiran sameeyay waxaa la hubaa in caawo lagu soo bilaabi doono sidoo kalena Grathe Bale isagana kulankan adag diyaar ayuu u yahay inuu safto laakiin Karem Benzema xaalkiisa ma wanaagsano madaama uu dhanka gumaarka jug ka qabo hadii weeraryahanka reer France uu kulankan taam usoo noqon waayo waxaa booskiisa gali doono Isco.
Line Up-ka macquulka ah:
Casillas; Carvajal, Ramos, Varane, Coentrao; Illarramendi, Modric, Di Maria; Bale, Benzema, C. Ronaldo
c kariim Qalinle
May 24, 2014 at 2:57 PM
Benzema dhaawac ayuu ku maqanyahay tan xavi aad ayaa loo tabi doonaa shaki la,aan koobkaan real ayaan urajaynayaa