Dunida kubada cagta caawa waxey horfadhiyaan dhalooyinka iyadoo qaarkoodna ay joogaan garoonka si ay u daawadan finalka koobka horyaalada yurub oo ay isugu soo hareen kooxaha Juventus iyo Barcelona oo mid walbaahi ay dooneyso iney ku guuleysato koobabka sadexleyda.
Barcelona waxey soo aruursatay La Liga iyo Copa del Rey, halka Juventus ay dhigeeda soo qaadatay Serie A-da iyo Coppa Italia, balse lama oga kooxda ku guuleysan karta koobkaan oo dhameystiri doonta sadexley inkastoo Juve ay u tahay taariikhda markii ugu horeysay halka Barca ay horay u sameysay 2009.
Shaxdii ay caanka ku ahaayeen labada kooxood waxba iskama badalin, waxaana kaliya la tabaya Chiellini oo uu booskiisa buuxiyay Barzagli, waxaana si wadajir ah ugu soo bilowday Morata iyo Tevez oo ah weerarka ay ku duulaan Juventus.
Dhanka kale Enrique ayaan waxba ka badalin shaxdisii mana jiro naaqus ku yimid waxaana keydka fadhiya Pedro iyo Xavi halka Iniesta uu hogaamin doono kooxda safka hore.
Weerarka MSN ayaa si wadajir ah ugu soo bilowday kaas oo noqday lamaanayaasha ugu gooldhaliska badan hal xili ciyaareed taariikhda isbaheysiga sadex ciyaariyahan oo hal koox u ciyaara madama ay dhaliyeen 120-gool.
Juventus:
Buffon; Lichtsteiner, Barzagli, Bonucci, Evra, Marchisio, Pirlo, Pogba, Vidal, Tevez, Morata.
Kaydka:
Storari, Ogbonna, Padoin, Sturaro, Pereyra, Coman, Llorente
Barcelona:
Ter Stegen; Alves ,Piqué, Mascherano Alba; Rakitic, Busquets Iniesta; Messi, Suárez Neymar.
Kaydka:
Bravo, Bartra, Mathieu, Adriano, Xavi, Rafinha, Pedro.