Home » Europe » Champions League » Laba Taageere Oo Ka Tirsan Kooxda Chelsea Oo Torreey Lagu Dhuftay Ka Hor Kulanka Caawa

Laba Taageere Oo Ka Tirsan Kooxda Chelsea Oo Torreey Lagu Dhuftay Ka Hor Kulanka Caawa


Blues fans

Taageerayaasha Chelsea ayaa laga cabsi qabaa inay qeyb ka ahaayeen rabshado ka dhacay Istanbul ka hor kulanka wareega 16ka Champions League ee ay caawa la ciyaarayaan Galatasaray.

Ilo xaalada aqoon durugsan u leh ayaa u sheegay Press Association Sport in labo taageerayaal Chelsea ah la rumeysan yahay in toreey lagu dhuftay habeenkii talaadada, inkastoo la fahamsan yahay in midkoodna uusan u baahanin in cusbital lagu daweeyo.

Afhayeen u hadlay ururka taageerayaasha Chelsea ee CSG ayaa sheegay inuu la yaabay wararka sheegaya in taageerayaasha martida ah ay wajahayaan dhibaatooyin, waxaana uu sheegay in jawiga magaalada uu ahaa mid nabadeed.

Taageerayaasha Ingariiska ayaa hore dhibane ugu ahaa shaqaaqooyin ka dhacay Istanbul markii labo ka tirsan taageerayaasha Leeds United tooreey lagu dilay kulan Uefa Cup ahaa oo dhacay 2000.


Waxaa Aqrisay: (107)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>