maanta oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-ka May waxey aheyd sanad guuradii 6-aad ee wargeyska caanka ah ee Horyaal Sports waxeyna maamulka wargeyska garteen madama wargeyska uu ka shaqeeyo arimaha ciyaaraha in koob munaasabad ah loogu dhigo garoonka Salaxa Shiirkole ee dagmada Hodan.
Koobkii ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Wargeyska waxaa ku ciyaaray laba kooxood oo kala ah: Gaab Carab Tailor iyo Horyaal Sports iyadoo labada kooxood ay u safnaayeen xidigaha heerka koowaad ee kooxaha dalka soomaaliya, hadaba ciyaartoydii shalay kulanka ciyaartay waxaa ka mid ah:
Gab Carab Tailor: Cabdi dheere, Daadir, Baazi, C/casiis Catoosh, Mahad Saha, Meyman, A’ina, C/fitaax, Jooker, Carab Gaab.
Horyaal Sports: Mustaf, Axmed Tahliil, Daandii, Siid Cali, Zakariye, Shaafaa, Niinje, Liidaanyo, Daadir Amiin.
Hadaba kulankii shalay oo xamaasad goonni ah lahaa ayaa ku dhamaaday 4-3 oo ay guusha ku raacday kooxda ku ciyaareysay magaca Horyaal Sports. Sadexda gool ee naadiga Carab Gaab Waxaa u dhaliyay: Meyman, C/fitaax, Gaab Carab, Halka kooxda Horyaal Sports ay goolasha afarta ah ka heshay: Siid Cali, Niinje iyo 2-gool oo Liidaanyo ah.
Kulanka oo ahaa mid aad u xiiso badnaa, ayey maamulka wargeyska horyaal Sports halkaas koobkii ku guudoonsiiyeen kooxdii hanatay koobka oo ah kooxdii ku ciyaareysay magaca Horyaal Sports.
Ugu Dambeyntii Madaxa Wargeyska Horyaal Sports Maxamed Axmed Siyaad “Black” ayaa mahad gaar ah u celiyay shaqsiyaadkii sida sharafta leh isugu howlay iney soo qaban qaabiyaan koobkaan qiimaha badan iyo dhaaan taageerayashii kasoo qeyb galay iyo sidoo kale bulshada ku dhaqan xaafadaas oo qeyb ka qaatay in ciyaartu ku dhamaato si farxad leh.
Sidoo kale kadib kulanka waxaa ka hadlay natiijada ciyaarta labadii tababare ee kala hogaaminayay labada kooxood waana (Gaab Carab iyo Faarax) iyagoo si aad ah ugu mahad celiyay maamulka wargeyska, shaqsiyaadkii soo qabanqabiyay tartanka & Ciyaartoda labada kooxood.
Koobkaan wuxuu maamulka wargeyska qabtaa sanad walba marka la gaaro taariikhda 18-ka May wuxuuna sanad walba ku qabtaa Dagmo iyadoo sanadkii hore lagu qabtay dagmada Wadajir ee gobolka Banaadir.