Home » Maxaa Cusub » Kabtan Steven Gerrard Oo Weeraray Paul Scholes, Sabab?

Kabtan Steven Gerrard Oo Weeraray Paul Scholes, Sabab?


SCholes

Kabtanka Xulka Qaranka Ingiriiska Steven Gerrard ayaa dib u weeraray halyeeygii hore Xulka Ingiriiska Paul Scholes kaas oo shaaca ka qaaday in Wayne Rooney uu mudan yahay in laga reebo xidigaha England ee ka qeyb galaya Koobka Aduunka.

Paul Scholes ayaa su’aal ka keenay hadii uu Roy Hodgson madax xanuun ka qaadi doono inuu Rooney Reebo marka uu ku fashilmo koobkisii sadexaad ee Aduunka.

Balse Gerrard ayaa cadeeyay in Rooney uu yahay hogaamiyaha Ingiriiska xili xulka uu isku diyaarinayo kulanka saaxibtinimo oo ay caawa la ciyaarayan xulka Peru, kulan ka dhici doona Wembley.

“Paul Scholes wuu qaldan yahay. [Wayne] waa xidiga ugu fiican Manchester United gudaha ingiriiska iyo yurub waana hogaamiye dhab ah. maxaan u arki waayay qaab ciyaareedkiia Man United dhabtii waa mid aan caadi aheyn”

“Haatan wuu ka fiican yahay kana maskax fiican yahay sida uu ku wajahay tartamadii hore madama ay dhaawacyo hareeyeen”

Sidoo kale Tababare Hodgson ayaa ku raacay Gerrard hadalkiisa.

“Kuma fakarayo sidii uu ahaan jiray xiligii hore, waxaan dooran doonaa 23-xidig oo aan amaani doono. waxaan aaminsanahay in Rooney uu wali yahay mid yar”

Wayne Rooney ayaa ciyaari doona boos cusub kulanka ay caawa wajahi doonaan Peru marka uu Hodgson u doorto booska 10-aad oo uu Man United uga ciyaaro waana markii ugu horeysay oo uu xulka uga ciyaari doono.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

3 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Kabtan Steven Gerrard Oo Weeraray Paul Scholes, Sabab?

  1. Farhan filow Reply

    May 30, 2014 at 11:15 AM

    Paul scholes wuu saxan yahay roney uma qalmo xulka inuu u ciyaaro

  2. Farhan filow Reply

    May 30, 2014 at 11:16 AM

    Roney uma qalmo xulka

  3. XUDEYFa SYL Reply

    May 30, 2014 at 12:20 PM

    Yes wan ku raacsanhy hdalka cptn G rooney weli wa xidga ugu wngsn engalnd

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close