Kulan Xiiso badan ayaa haatan ka socda garoonka Banaadir Stadium wuxuuna dhexmarayaa kooxaha LL.PP Jeenyo iyo Gaadiidka oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee dalka Soomaaliya.
Jeenyo oo kulankii ugu dabeeyay qasaaro kala kulantay Heegan ayaa dib u heshay weeraryahankeeda C/qaadir Liinje sidoo kale Gaadiidka ayaa heleysa laba xidig oo hor leh oo ajaanib ah oo u dhashay dalka Kenya taasoo ka dhigan in 4-xidig oo ajaanib ah ay u ciyaarayaan.
C/qaadir Shariif Muqtaar Liinje ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Jeenyo xili kooxda Gaadiidka ay ku ciyaareyso 10-ciyaariyahan.
C/qaadir Liinje ayaana dhaliyay goolkiisii 4-aad ee horyaalka xili ciyareedkaan waana mid ka mid ah gooldhaliyayasha ugu qatarsan horyaalka Nationlink Championship.
C/qaadir Liinje ayaa mar kale shabaqa soo taabtay daqiiqadii 69-aad ee ciyarta, waana 2-0 ay ku hogaamineyso kooxda LL.PP. Jeenyo.
Goolkii Shanaad ee horyaalka ayuuna Dhaliyay Liinje.