Milkiilaha aan shaac baxsaneen ee Manchester United Malcolm Glazzer ayaa ku geeriyoday hoygiisa ku yaala dalka Mareykanka goor dhaw isagoo 86-jir ah.
Inkastoo odaygaan ganacsadaha ah ee reer Mareykan uusan shacbiyad balaaran ku laheen Jamaahiirta Manchester United hadana kooxda waxaa majaraheeda hayay qoyska Glazzer oo ah wiilashiisa.
Si Kastaba kadib geeridiisa Jamaahiirta Kooxda qaarkood ayaa farxad ka muujiyay Warkaan xun ee usoo yeeray kooxda iyagoo bogga Twitterka ku wadaagay oraahyo cajiib ah.
NAAREY MALCOLM GLAZZER WAA DHINTAY !!!!!!!
DHIMASHA GLAZZER WAA GUUL MAN UNITED
MALCOLM GLAZER WAA DHINTAY!!!! UGU DAMBEYNTII WAA WAR KA FIICAN INEY DHIMATO Margaret Thatcher
(Waa Ra’isulwasaarihii Hore Boqortooyada Ingiriiska mudadii u dhaxeysay 1979-1990)
GAL CADAAB KULUL MALCOLM GLAZER
Xaflad ayaan dhiganeynaa hadii Glazzer Dhintay
Akhriste Oraahdee Ku Naxdin Galisay?
c kariim Qalinle
May 29, 2014 at 8:00 AM
Gaalada waay BA dhahaan badanaa go to hell ::::waxaan kaloo ognahay in aay qaarkood aayba gubaan maydka marka aygaaba cadaab isu saadinaayo