Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska Angel Di Maria ayaa maanta ku biiri doona Paris Saint Germain isagoo soo afjaraya xili ciyaareed fashilmay oo uu ku qaatay Old Trafford.
Xidigaan reer Argentina ayaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxda ka dhisan Faransiiska, iyadoo warbixinada ay intaas ku darayaan in goor hore ay labada kooxood arintiisa ka heshiiyeen.
27-jirkaan wuxuu sanadii hore lacago rikoor ah oo gaaraya 59.7 Malyan Oo Pound ku yimid Old Trafford, wuxuuna kaliya kusoo bilowday 20-kulan, 3-gool ayuuna dhaliyay.
Independent ayaa qortay in Di Maria uu maanta duulimaad ku tagi doono New Jersey oo ah halka ay ku sugan tahay PSG si halkaas uu heshiiska uu ugu biirayo kooxdaan ugu dhameystiro wuxuuna qiimahiisu yahay 45.9 Malyan Oo Pound.
Dhanka kale Angel Di Maria ayaan ka hor imaan doonin kooxdiisa Manchester United marka ay labada kooxood ee PSG iyo United ku kulmaan Chicago.
Ugu dambeyntii Di Maria bixitaankiisa ayaa ka dhigan in Man United ay u baahan tahay garab awood leh oo buuxiya booskiisa.