Goolhayaha kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa noqday xidigii labaad ee saftay 150-kulan tartanka horyaalada yurub ee Champions League-ga kadib markii uu muuqaal ku yeeshay kulankii ay Arbacadii Bernabeu ku qaabileen Juventus.
Casillas ma awoodi karo inuu mar kale barbareeyo tan iyo xagaaga soo aadan, madama Xavi uu fursad u heysto inuu qeyb ka noqdo kooxda Barcelona ee finalka koobkaan la ciyaari doonto Juventus bilowga bisha June madama ay ku baxeen gacmaha Juve.
Xavi Hernandez waxaa lagu waramayaa inuu isaga tagi doono kooxda Barcelona marka uu dhamaado xagaagan si la mid ah sida Casillas loola xiriirinayo, labadaan xidig midkood ayaana laga yaabaa inuu xagaaga dambe kasoo muuqdo koobkaan.
Iker Casillas kulankiisii ugu horeeyay koobkaan wuxuu saftay sanadii 2000 kulan ay Real Madrid la ciyaartay Bayern Munich waana 15-sano ka hor, halka Xavi kulankiisii ugu horeeyay uu saftay sanadii 1999 kulan ay Barcelona la ciyaartay United.