Home » Maxaa Cusub » Howard Webb Oo Sheegay Inuu Xirfadiisa Ku Taageeri Doono Garsoorayaasha

Howard Webb Oo Sheegay Inuu Xirfadiisa Ku Taageeri Doono Garsoorayaasha


Garsoore

Kadib markii uu Howard Webb Ku Dhawaaqay Inuu isaga Fariistay garsoorinimada ayuu haddana wuxuu sheegay inuusan ka dhex bixi doonin shaqadiisa garsooranimo wuxuuna caawin doonaa garsoorayaasha.

Webb oo qabtay Fiinalahii World Cup-ka iyo Champions league sanadkii 2010-kii ayaa sheegay inuu rajeenayo inuu qibradiisa ku caawin doono garsoorayaashii ay saaxiibada ahaayeen iyo kuwa Da’ yarta  hadda soo korayo.

” Waxaan Rajeenayaa inaan waxqabad fiican qabto, waxaan horumarin ku sameen karaa da’ yarta dooneysa inay noqdaan garsoorayaasha”

” Waxaan doonayaa inaysan xirfadeeda aniga igu koobnaan waxaana u gudbin doonaa cid kasta oo jecel inay ku lug yeelato garsooranimo”.

halkaan uu sheegay Howard Web ayaa kusoo aadayo Xilli uu  asbuucaan dhexdiisa ku dhawaaqay inuu joojiyey shaqadiisii garsooranimo.


Close