Jeenyo iyo Heegan ayaa galabta isku farasaari doona garoonka Banaadir Stadium kulan xiiso badan oo ay taagerayasha labada dhinac wada sugayaan.
Jeenyo ayaa kulankeedii ugu dambeeyay barbaro aysan u qalmin ka heshay kooxda Banaadir Sports Club halka Heegan ay guuldaro la isku xiiqay ka heshay Elman. Jeenyo ayaa leh 10-dhibcood halka Heegan ay leedahay 9-dhibcood waana laba kooxood oo kaalmaha xagooda isku xiga.
C/qaadir Shariif Muqtaar Niinje oo ah weeraryahanka Jeenyo ayaa seegi doona kulanka galabta kaas casaan la siiyay kulankii Banaadir Sports Club.
Dhanka kale Ma jirto xidig Heegan ah kulankaan seegaya waxaana halis ku jira deeq aaryo oo qaba kaarka digniinta haduu qaato kulankaan jaale wuxuu seegayaa kulanka xiga.
XUSUUS:
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta ayaa digniin kama dambeys ah usoo jeediyay numberka (7-aad) ee kooxda Jeenyo Maxamuud C/nuur Meeman kadib markii uu diday awaamiirta Waaxda Caafimaadka inkastoo uusan ganaax ku dhicin.