Galabta waxaa garoonka Banaadir Stadium ee dagmada C/Casiis ka dhici doona kulan culus oo dhexmari doona kooxaha Elman iyo Heegan kana mid ah kooxaha ugu waaweyn horyaalka Soomaaliya sidoo kalana ku jira kaalmaha 3-aad iyo 4-aad.
Si Kastaba Labadan kooxood ayaa tiigsanaya iney hogaanka Horyaalka si kumeel gaar ah u qabtaan madama Banaadir ay ciyaareyso berri oo jimco ah.
Sidoo kale Sacad oo ka tirsan Elman ayaa ganaax kasoo laabanaya sidoo kale Siidii iyo Deeq Aaryo oo ka tirsan Heegan oo seegay kulankii guuldarada Banaadir Sports Club ayaa xaadir noqon doona.
Heegan iyo Elman ayaa lumiyay min hal jeer xili ciyaareedkaan taasoo ka dhigan in halka guuldaro oo ay koox walba la kulantay ay ka dhaxashay kooxda hogaanka heysata ee Banaadir Sports Club.
Shabakadda Hiilkubad.com, oo ah mid mar walba jecel iney akhristayaasheeda usoo gudbiso wararka ciyaaraha caalamka iyo kan soomaaliya ay idinla socodsiin doontaa ciyaarta si qoraal ah.
Live ayaan u tabin doona insha allaah marka la gaaro 3:30 Galabnimo xiliga geeska africa markaas oo ay ciyaarta bilaabaneyso.
Codkaaga Sii Yaad Guusha U Rajeyneysaa???