Si La Mid ah Groupka F waa group mixnadiisa ay ka aloolsan tahay dhanka hoose waxaana booska labaad isku heysta kooxaha Juventus, Galatasaray iyo Copenhegan.
Real Madrid vs Galatasaray
Wiilasha Mancini ayaa guul ka rajeynaya inay kasoo gaaraan Madrid oo ku ciyaareysa Bernabue kadib xasuustoodii gurigooda ee 6-1 oo ay kala kulmeen kooxda ay caawa booqanayaan.
C. Ronaldo ayaa seegi doona kulankaan kaas oo sadexley ka dhaliyay lugtii hore Galatasaray isagoo si la mid ah sanadii hore quater finalka kaga dhaliyay 3-goal labadii kulan ee la ciyaaray.
Mancini ayaa rajeynaya inuu baaqi kusii ahaado kaalinta labaad waxeyna u suuragaleysaa guul uu ka gaaro madrid sidoo kalana Juventus ayaa xusuusta ku heysa iney guuldaro iyo barbardhac ay kala kulanto Copenhegan ay qatar galin karto noloshooda Champions League.
C. Ronaldo, Sami Khedira iyo Fabio Conteroa ayaa segi doona kulankaan kuwaas oo dhaawacyo kala duwan qaba.
Dhanka Galatasaray Wesley Sneijder Altintop ayaa dib ugu laaban doona Bernabue markoodii labaad taariikhda waxeyna diyaar u yihiin iney wajahaan Angelotti.
Kooxda Madrid ayaa kaliya u baahan hal dhibic kulankaan si ay u xaqiiqsato booskeeda 16-ka ee champions League.
Line Upka Macquulka ah:
Madrid: Lopez; Carvajal, Pepe, Ramos, Arbeloa; Bale, Alonso, Isco, Illarramendi, Jese; Benzema
Galatasaray: Iscan; Eboue, Zan, Chedjou, Gulselam; Melo, Riera, Inan, A Yilmaz; B Yilmaz, Drogba
Juventus vs Copenhegan
Kooxda Juventus ayaa ku qasban iney garaacdo Copenhegan kulankeeda caawa ee Turin ka dhici doona hadii kale waxey ku xisaabtameysaa iney dhimaneyso rajadeeda Champions League ee ay ku gaari karto Wareega 16-ka.
Antonio Conte wiilashiisa ayaa sadex kulan barbardhac galay halka hal kulan ay guuldaro kala kulmeen Madrid walina guuldaro ma gaarin waxeyna raadinayaan guushoodii ugu horeysay ee xili ciyaareedkaan.
Juventus ayaa guriga Copenhegan barbardhac kula soo gashay bilow layaab leh oo ay ku bilowday waxaana haatan ay rajeyneysaa iney gaarto guushoodii ugu horeysay.
Copenhegan ayaa qudheeda rajo wanaagsan yeelan karta hadii ay gasho barbardhac ama ay ka adkaato Juventus madama ay haatan ku jirto kaalinta sadexad iyadoo ku dhibco ah kooxda kaalinta labaad ee Galatasaray.
Line Upka Macquulka ah:
Juventus: Buffon; Caceres, Vidal, Chiellini; De Ceglie, Pogba, Pirlo, Marchisio, Asamoah; Tevez, Llorente
Copenhagen: Wiland, Jacobsen, Bengtsson, Mellberg, Sigurdsson, De Souza, Delaney, Gislason, Vetokele, Braathen
Waxaa Aqrisay: (212)