Liverpool ayaa galabta booqan doonta garoonka White Hart Line iyadoo maskaxda ku heysata guuldaradii kasoo gaartay todobaadkii hore kooxda Manchester City kulan ka dhacay Etihad Stadium, iyadoo lagu garaacay 3-1.
Kooxda Tottenham ayaa hogaanka horyaalka heysay labadii kulan ee ugu horeysay horyaalka kadib markii ay laba guulood gaareen xili ciyaareedka cusub, balse galabta waxey gurigooda ku soori doonaan kooxdii xili ciyaareedkii hore xasuuqa u geysatay markii labadii kulan wadar ahaan lagu garaacay 9-0.
Spurs waxey heshay macalinkii ay u baahneyd Marucio Pochettino, kaas oo ku hagay wado fiican inkastoo laba kulan kaliya la ciyaaray, halka Liverpool ay iyana keentay 9-xidgi oo runtii ay filanayaan iney wax ka badalaan qaabka kooxda iyadoo uu ka maqan yahay Luis Suarez.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Tottenham vs Liverpool
Tartanka: FA Premier League
Garoonkaa: White Hart Lane
Saacada: 3:30 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika).
YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA KULANKA GALABTA?
Kooxda martida loo yahay kaliya laba xidig ayey weyn doontaa kuwaas oo muhiim u ah waana daafaca reer England Kyle Walker iyo weeraryahanka reer Spain Roberto Soldado.
Dhanka kale Liverpool ayaa iyana ka walwalsan dhaawacyada Alberto Moreno, Glen Johnson kuwaas oo dhaawac uga baxay kulankii Etihad ee todobaadkii hore, sidoo kale Falanagan ayaa dhaawac ah, balse Adam Lallana ayaa laga yabaa inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay kadib markii uu dhaawac kasoo toosay.
XAQIIQADA KULANKA:
Guushii Liverpool ay ka gaartay Tottenham xili ciyaareedkii hore kulan ka dhacay White Hart Lane waxey soo afjartay shan horyaal oo xiriir ah oo aysan Liverpool guul ku gaarin garoonkaas, (Ogow kulankaas wuxuu kusoo dhamaaday 5-0).
Guushaas sidoo kale waxey aheyd guuldaradii ugu xumeyd ee Tottenham kusoo gaartay gurigeeda 16-sano kadib, sidoo kalana waxey aheyd guushii ugu weyneyd oo ay Liverpool halkaas kusoo gaarto taariikhda.
Etienne Capoue ayaa sameeyay 98% isku cel-celiska baasaska labadii kulan ee ugu dambeysay kooxda ay ciyaartay horyaalka Premier League.
Erick Dier oo ah da’yar dhawaan kusoo biiray Spurs, wuxuu noqday daafacii ugu horeeyay taariikhda dhaliya laba gool oo isku xigta furitaanka horyaalka ingiriiska.
Tottenham guul ayey gaartay shantii kulan ee ugu dambeysay ay ku ciyaarta gurigeeda
XUSUUSTA KULANKII UGU DAMBEEYAY:
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Tottenham Hotspur:
Lloris; Dier, Kaboul, Rose, Vertonghen; Chadli, Lamela, Eriksen, Bentaleb, Capoue; Adebayor
Liverpool:
Mignolet; Moreno, Johnson, Skrtel, Lovren; Henderson, Gerrard, Coutinho, Sterling, Sturridge, Balotelli
aamiin c/nuur awmuuse
31 August, 2014 at 12:19 PM
war waa iska cadaan inuu galabta mario palotli hatric ka dhalinaayo xaabada tontenham
insha alaah waxaan rajaynaynaa
3_0
paloteli hatric