Home » Falanqeynta » Hordhac: Crystal Palace vs Liverpool: Tartanka Horyaalka Ingiriiska Oo Xiiso Gooni Ah Yeeshay

Hordhac: Crystal Palace vs Liverpool: Tartanka Horyaalka Ingiriiska Oo Xiiso Gooni Ah Yeeshay


Liverpool ayaa u safreysa London iyadoo la ciyaari doonta kooxda Crystal Palace sidoo kalana ka warqabta in hogaanka horyaalka ay ku dhagan tahay Manchester City oo goolal kaga heysa, balse kulan baaqi ah gacanta ku heysata hadii ay Liverpool ciyaarto kulankeeda caawa.

Liverpool ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay Chelsea kulankii ugu dambeeyay horyaalka markii ay Anfield ku marti galisay, wuxuuna ahaa kulan xanuun leh oo lumiyay kalsooni badan oo ay ku qabtay iney horyaalka ku guuleysan karto.

Daniel Sturridge iyo Luis Suarez ayaa la filayaa iney kusoo bilawdaan kulankaan kuwaas oo aan si wadajir ah ugu soo bilaaban kulankii todobaadkii hore ee Chelsea.

OGEYSIISKA KULANKA:

Kulanka: Crystal Palace vs Liverpool

Garoonka: Selhurst Park

Garsoore: M. Clattenburg‎

Saacadda: 10:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA?

Ma jiraan dhaawac cusub oo ay labada koox qabaan waxaana bad qaba dhamaan xidigaha ay kulamadii ugu dambeeyay ku dagaal tagi jireen, Liverpool ayaase hal dhaawac qabta waana Jose Enrique kaas oo mudo dheer garoomada ka maqnaa.

Jordan Henderson ayaa ku maqnaanaya ganaax, waana kulankiisii ugu dambeeyay oo ganaaxii sadexda kulan ahaa ee garka loo galiyay.

MA OGTAHAY:

Crystal Palace ayaan wax guuldaro ah kala kulmin afartii kulan ee ugu dambeysay ay gurigooda kula ciyaartay Liverpool.

Crystal Palace ayaan lumin kulan ay gurigeeda ku ciyaareyso tan iyo 1997-dii.

Crystal Palace ayaa gurigeda ku dhalisay goolasha ugu yar ee ay koox gurigeeda ku dhaliso horyaalka xili ciyaareedkaan.

Crystal Palacen ayaa markii ugu horeysay ebid suuragalisay iney laba xili ciyaareed oo xiriir ah ku nagaato Premier League.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Palace: Speroni; Mariappa, Dann, Delaney, Ward; Bolasie, Jedinak, Ledley, Puncheon; Chamakh, Jerome

Liverpool: Mignolet; Johnson, Sakho, Skrtel, Flanagan; Gerrard, Allen; Sterling, Coutinho; Suarez, Sturridge

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close