Barcelona ayaa raadineysa iney dhameystirto cutubkeeda labaad ee raadinta sadexley koobab ah oo ay xagaagan ku guuleysato, balse Xavi ayey u tahay kulankiisii ugu dambeeyay oo uu ku ciyaaro Camp Nou dhamaan tartamada oo dhan madama finalka koobkaan lagu qaban doono garoonka Camp Nou.
Wiilasha Luis Enrique ayaa horay ugu guuleystay koobka Horyaalka La Liga iyagoo laba dhibcodo ka sareeya kooxda ay sida ba’an u xifaaltamaan ee Real Madrid, sidoo kalana Bulgarana waxey dagaal u gali doontaa ku guuleysiga Champions Legue-ga marka ay 6-da June is qabtaan Juventus.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Athletic Bilbao vs Barcelona
Tartanka: La Liga
Garoonka: Camp Nou
Saacadda: 10:30 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Inkastoo Luis Suarez uu laba todobaad ka maqnaa tababarka kooxda hadana wuxuu taam u yahay kulankaan madama uu tababarka kusoo laabtay maalmihii ugu dambeeyay sidoo kalana Vermaelen ayaa diyaar u ah inuu safto kulankiissii ugu horeeyay Copa del Rey.
Dhanka kale Athletic Bilbao waxaa ka maqan Ander Iturraspe, Jonas Ramalho, Oscar de Marcos iyo Iker Muniain kuwaas oo dhaawacyo kaga maqan halka Aritz Aduriz uu hogaamin doono weerarka Bilbao xili uu 10-gool dhaliyay 11-kii kulan.
MA OGTAHAY:
Barcelona ayaa ah kooxda ugu guulaha badan koobkaan waxeyna ku guuleysatay 26-jeer, halka Athletic Bilbao ay iyana qaaday 23-jeer.
Kulanka wuxuu ka dhacayaa Camp Nou halkaas oo kooxda Athletic Bilbao aysan ku badin tan iyo sanadii 2001.
Athletic Bilbao waxey ku dhameysatay booska 7-aad ee horyaalka inkastoo aysan guuldaro la kulmin 7-dii kulan ee horyaalka ugu dambeeyay.
Barcelona wax guuldaro ah lama kulmin 14-kii kulan ee ugu dambeeyay La Liga iyadoo laba ka mid ah ay barbaro galeen.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Athletic Bilbao:
Herrerin; Iraola, Etxeita, Laporte, Balenziaga; Benat, San Jose, Rico, Aketxe, Williams; Aduriz
Barcelona:
Ter Stegen; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Iniesta, Busquets, Rakitic; Messi, Suarez, Neymar