Arsenal ayaa markii labaad oo xiriir ah taagan finalka koobka FA Cupka iyadoo dooneysa iney mar kale ku guuleysato isla markaana noqoto kooxda ugu guulaha badan koobkaan.
Kooxda uu hogaamiyo Wenger waxey sanadii hore soo afjareen 9-sano oo ay koob la’aan ahaayeen kadib markii ay 3-2 dirqi ah koobkii FA Cupka kaga qaadeen Hull City.
Dhanka kale macalinka dhawaan qabtay shaqada Aston Villa ee Tim Sherwood ayaa aad u doonaya inuu ku guuleysto koobkiisii ugu horeeyay.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Arsenal vs Aston Villa
Tartanka: FA Cup Final
Garoonka: Wembley
Saacadda: 7:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
ARSENAL:
Danny Welbeck ayaa weyn doona finalka koobka FA Cupka ee ay Arsenal la yeelan doonto Aston Villa kadib markii uu ku fashilmay inuu kasoo kabto dhaawacii dhanka jilibka ka hayay.
Wenger ayaan sidoo kale go’aan ka gaarin hadii goolhaye Szczesny dib looga wacayo kooxda iyo sidoo kale in lagu soo bilaabayo Walcott.
Sidoo kalana Chamberlain, Arteta, iyo Debuchy ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxda walow aan la ogeyn sida ay kulankaan qeyb uga noqon karaan.
ASTON VILLA:
Dhanka kale Shay Given ayaa la hadal hayaa inuu taam u yahay kulankaan, goolhayayahaan ayaa waayay kulankii Burnley ee ay qasaarada la kulantay kooxdiisa.
Cissokho, Richardson iyo Jones Okore ayaa tababarka qaatay kuwaas oo dhaawacyo kaga maqnaa kooxda, balse Clark iyo Kozak gabi ahaan wey seegayaan.
MA OGTAHAY:
Arseanl iyo Aston Villa waxey isaga hor yimaadeen FA Cupka 10-jeer, 7-Arseanl ayaa guul gaartay halka Aston Villa ay 3-jeer guul gaartay.
Waa markii ugu horeysay oo ay labadaan kooxood ku kulmayaan Finalka FA Cupka
Markii ugu dambeysay oo ay labadan kooxood isku arkaan FA Cup waxey aheyd 2012, wareega 4-aad, markaas oo ay Arseanl laba gool oo looga hormaray 3 ku badashay.
Markii ugu dambeysay oo ay Aston Villa garaacdo Arseanl waxey aheyd 1974-kii, wareega 4-aad, waxey barbaro ku galeen 1-1 Highbury, balse 2-0 ayaa lagu suldaaray lugtii labaad ee Villa Park naadiga Arseanal.
Aston Villa kaliya hal jeer ayey guul ka gaartay Arsenal 9-kii kulan ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada oo dhan ay wajahday Arsenal waxeyna aheyd August 2013 furitaanka horyaalka EPL-ka markaasna 3-1 ayaa lagu suldaaray Arsenal.
Waa markii ugu horeysay oo ay Aston Villa timaado finalka koobka FA Cupka tan iyo sanadii 2000, waxaana markaas 1-0 kaga qaaday Chelsea kulan ka dhacay Wembley.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Arsenal:
Szczesny; Bellerin, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Cazorla, Coquelin, Ramsey, Ozil, Sanchez; Giroud
Aston Villa:
Given; Bacuna, Vlaar, Baker, Richardson; Cleverley, Westwood, Delph, Grealish; Agbonlahor, Benteke