Kubad burburiyaha da’da yar ee kooxda Liverpool Jordan Henderson ayaa tilmaamay in isaga iyo xidigaha kooxda Reds ay doonayaan in caawa ay Man United guul ka gaarto Man City si Liverpool ay hami weyn uga yeelato ku guuleysiga Premier league xiligaan.
Naadiga Reds lagu neynaaso ayaa baadi goob xoogan ugu jira koobkoodii ugu horeeyay ee Premier League ah tan iyo 1990 markaas oo ay ugu dambeysay balse kooxaha Chelsea iyo Man City ayey tartan xoog leh la gali doontaa kuwaas oo min hal kulan ay la ciyaari doonto.
Liverpool ayaa hal dhibic kaliya ka hooseysa kooxda Chelsea oo hogaanka u heysa Premier League inkastoo habeend dambe ay kulan u baaqday la ciyaari doonto Sunderland.
“Guul ay gaarto United caawa waxey na galineysaa farxad weyn iyo inaan noqon kareno kooxda ku guuleysata, waayo City waa koox aan caadi aheyn”
“Dhamaanteen waa inaan taageerno Red Devils caawa si kooxda Sky Blue lagu neynaaso looga adkaado” ayuu yiri Jordan mar kale.
Waxaa Aqrisay: (458)
c kariim Qalinle
March 25, 2014 at 8:31 PM
I agree whith you Henderson ilaa xad dhamaanteen waa in aan isku dhibnaa taageerida united viva Liverpool