Home » Latin America » Halyeegii Reer Brazil Iyo Napoli Careca Maxaa Kala Socotaa Guulihii Uu Kubada Cagta Ka Gaaray

Halyeegii Reer Brazil Iyo Napoli Careca Maxaa Kala Socotaa Guulihii Uu Kubada Cagta Ka Gaaray


creca

Antônio de Oliveira Filho oo ku magac dheer Careca wuxuu ka mid yahay halyeeyaasha reer Brazil kuwaas oo kubada cagta magac iyo sumcad balaara ku reebay sidoo kalena Careca waayihiisii ugu wanaagsana wuxuu kusoo qaatay kooxda Napoli, ruug cadaagan xogtiisa oo kooban inaan idiin soo gudbino waxaa naga codsaday aqriste magaciisa kusoo koobay Ali Abdi, hadaba macluumaadka Careca oo dhameestiran hoo kaga bogo:

Xiliga uu dhashay: 5 October 1960 (53-sano)

Goobta uu ku dhashay: Araraquara, Brazil

Dherirkiisa: 1.83 m

Booska uu ka cayaari jiray: Weerarka

Naadiyo: Guarani (1976–1982), São Paulo (1983–1987), Napoli (1987–1993), Kashiwa Reysol (1993–1996), Santos (1997).

Dhanka xulka Brazil: (1982–1993) 64-kulan, 30-gool.

Napoli

Koobabka uu ku guuleestay kuwa ugu muhiimsan:

Campeonato Brasileiro Série A: 1978, 1986

Campeonato Brasileiro Série B: 1981

Campeonato Paulista: 1985, 1987

UEFA Cup: 1989

Serie A: 1990

Supercoppa Italiana: 1991

Biladaha Shaqsi Ahaaneed Ee Uu Careca Ku Guuleestay:

Bola de Prata: 1982, 1985

Campeonato Paulista Top Scorer: 1985

Bola de Ouro: 1986

Campeonato Brasileiro Série A Top Scorer: 1986

FIFA World Cup kabaha qalinka: 1986

creca and maradona

 Ma Ogtahay in Careca..

  • Ma ogtahay in Maradona, Giordano & Careca ay kooxda Napoli ka dhigeen naadiga Yurub ugu awooda badan dabyaaqadii 80-kii sidoo kalena sedexdan xidig koobab muhiim ah ay Napoli u qaadeen.
  • Ma ogtahay in Careca lagu tilmaamo shaqsiyaadka kubada cagta dalka Japan hor mariyeen madaama uu 6-sano ku sugnaa Japan asigoo ka tirsan naadiga Kashiwa Reysol.
  • Ma ogtahay in Careca nasiib daro soo wajahday sanadii 1982 madaama uusan xulkiisa Brazil kala qayb qaadanin cayaarahii aduunka kadib markii uu dhaawac u seegay tartankaas.
  • Ma ogtahay in Careca sanadii 1986 uu wacdaro xoogan ka dhiigay koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Mexico kadib markii uu 5-gool dhaliyay kaliya Gary Lineker ayaa ka goolal badnaaday!
  • Guud ahaan intii uu kiubada cagta kusoo dhex jiray Careca wuxuu dhaliyay 383-kulan asigoo dhaliyay 213-gool dhanka naadiyada oo kaliya.

5 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Halyeegii Reer Brazil Iyo Napoli Careca Maxaa Kala Socotaa Guulihii Uu Kubada Cagta Ka Gaaray

  1. ali abdi Reply

    March 18, 2014 at 11:37 PM

    aad ayaad u mahadsantihiin hadaa tihiin webka tnk ayaa i din leeyahay hiilkubad

  2. Maxamad balag Reply

    March 19, 2014 at 11:06 AM

    Waxan u bahana hay tarikh mucjisadi ku bad cagta wadan keyna shiqalow alaya raxma

  3. Al_khaliijji jawad Reply

    March 19, 2014 at 6:15 PM

    bahda hiilkubad waxan idinka codsanayaa inad no so gudbisaan tarhikhdii halyeygi realmadrid ee RAUL GONZALES

  4. yaasir xasan Reply

    March 20, 2014 at 1:09 PM

    asc waxan dooneynaa tariikhdii batistutta

  5. yaasir xasan Reply

    March 20, 2014 at 1:11 PM

    waad mahad santiin hiil

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close