Home » Latin America » Halyee Ronaldo “Waan Hubaa In Brazil Iyo Argentina Finalaha Koobka Aduunka Isugu Imaan Doonaan!”

Halyee Ronaldo “Waan Hubaa In Brazil Iyo Argentina Finalaha Koobka Aduunka Isugu Imaan Doonaan!”


Ronaldo Brazil

Weeraryahankii hore ee xulka Brazil Ronaldo kaasi oo koobka aduunka ku guuleestay sanadii 2002 ayaa sheegay in kama dambeesta tartanka Brazil haatan ka socdo ay isugu imaan doonaan xulalka Brazil iyo Argentina madaama koobka aduunka haatan soo gaaray wareega 16-aad sidoo kalena Argentina iyo Brazil aysna marnaba isku aadi doonin sida shaxda loo dhigay wuxuu Ronaldo ka dhawaajiyay in labada xul ee qaarada Koonfur Ameerika ugu awooda badan ay Finalaha isugu imaan doonaan wuxuuna yiri “kaliya ma dhahaayo sadaal ayay iga tahay balse waan hubaa in Brazil iyo Argentina Finalaha koobka aduunka isugu imaan doonaan!”

Ronaldo oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “waxay ahaan doontaa riyo inoo rumawday hadii aan Argentina koobka ka qaadno balse hadii ay nag qaadaan qarow iyo argagax ayaa nagu dhici doono” sidoo kale Ronaldo ayaa saxaafada u sheegay in ilaa haatan uu yahay xidiga ugu wanaagsan koobka aduunka wuxuuna yiri “Neyma iyo Messi waa labo xidig oo aad u wanaagsan balse Neymar ayaa ilaa haatan ah laacibka koobka aduunka ugu waxqabadka wanaagsan inkastoo Messi kulanba kulanka ka dambeeyo uu sare u kac sameenayo laakiin ilaa haatan Neymar ayaa waxbaban labadooda wanaagsan”


Close