Home » Horyaalada » La liga » Haddii Aad Qiimaha Gareth Bale La Yaabaneyd Real Waxay Hadda £97m Miiska U Saartay Mashiinka  Gool dhalinta  Premier League!!!

Haddii Aad Qiimaha Gareth Bale La Yaabaneyd Real Waxay Hadda £97m Miiska U Saartay Mashiinka  Gool dhalinta  Premier League!!!


suarez a3c2c2b5-78f6-4800-ac99-3b0f9a26a0d9

Kooxda Ku Cayaarto Garoonka Bernabeu ayaa rabto inay jajabiso iskoorka Suuqa kala iibsiga, ka gadaal markii ay dalab la yaab leh u dirtay Mashiinka Gool dhalinta  Horyaalka Premier League .

Real Madrid ayaa diyaar u ahay inay iskoor cusub u dhigto Suuqa Iyadoo Miiska Soo Saartay Adduunka lacageed oo gaaraya ilaa  €110m (£97m) si ay u qaadato weeraryahanka goolka dariska la ah ee Luiz Suarez .

Website-ka CaughtOffside oo qoray warbixintaan ayaa sheegay in Madaxweynaha Real Madrid Florentino Pere ay ka go’an tahay inuu 27 Jirkaan u dhashay dalka Uruguay kusoo daro xidigaha Real Madrid, Iyadoo Macalin Carlo Ancelotti uu sheegay inuu Suarez ku darsaday Buugga Xidigaha Real kana codsaday Liverpool inay aqbasho dalabkaan Lacagta Xambaarsan.

Perez ayaa fiiro gaar ah ku hayo xidigaan isagoo jecel inuu mar kale iskoor cusub u dhigo suuqa kala iibsiga Maadaama uu £85m horay uga bixiyey Xidigii hore ee Kooxda Tottenham Gareth Bale.

Ancelotti iyo Perez ayaa ku mideysan inay Kooxda Real Madrid weerarkeeda Kusoo daraan Suarez si Real ay awood dheeri ah usoo bandhigto Sanadka Dambe maadaama Xilligaan ay dhamaatay rajadii ay horyaalka ka laheyd , iyagoo rajo ka leh inuu ka garab cayaaro  Bale iyo Ronaldo.

inkastoo Suarez uu macquul ka dhigay inuu aado Real Madrid, Haddana kooxda Liverpool ayaan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonto dalabkaan dunida qalqalka geliyey.

Luis Suarez ayaa dhaliyey 31 Gool 32 Kulan oo katirsan Horyaalka Premier League Xilli cayaareedkaan, inta badan waxaa goolashiisa ku caawiyey kabtankiisa Steven Gerrard.

Ugu dambeyntii Real Madrid ayaa dooneysa inay u rumowdo riyada ay ku dooneyso Suarez waxayna rajo fiican ka muujisay jawaabta ay Liverpool ka bixin doonto Dalabkaan.

Sawirkaan wuxuu muujinayaa warbixintaan meesha aan kasoo xiganay

Capture

 

 

2 Aragtiyo Ayaa Laga Bixiyay: Haddii Aad Qiimaha Gareth Bale La Yaabaneyd Real Waxay Hadda £97m Miiska U Saartay Mashiinka  Gool dhalinta  Premier League!!!

  1. c kariim Qalinle Reply

    May 17, 2014 at 11:14 AM

    Real sanadkaan ha inaga qaleeso suarez sanadka xigaa waa diyaar lkn xili ciyaareedka soo socdaa maya iib ma ahan anaga ayaa aad ugu baahan viva super suarez

  2. mohaa Reply

    May 17, 2014 at 12:28 PM

    Suarez. Lacagtaas wow u qalmaa waana lacib miiska saran lkn inow real aado kuma haboona laaacub nimadiisa ayaa kulumeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close